Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhacdo Yaab Leh .. Dadweyne Uu Doortay " Mayor" Nin Dhintay

Tuesday - April 20, 2010

Washintong - Dadweyne ku dhaqan tuulo ka tirsan dalka Maraykanka oo la yidhaahdo Tracy City oo ka tirsan Gobolka Tennessee, ayaa maayar u doortay nin dhintay oo magaciisa la ydihaa Carl Geary.

Ninkan oo bishii hore ee March u dhintay wadne xannuun haleelay isagoo ku jira tartanka maayarnimo ee magaalada Tracy City, ayaa waxa fajiciso dunida ku noqotay in markii doorashadii la qabtay ay inta badan dadkii codeeyey taageereen ninka dhintay, isla markaana waxa guuldarro kharaar la kulantay murrashaxii la tartamaysay oo ahayd haweenayda waqtigan maayarka ka ahayd magaaladaasi oo magaceeda la yidhaa Barbara Brock.

Warkan oo si weyn looga baahiyey dunida, luguna tilmaamay wax lala yaabo, ayaa waxa wakaaladaha wararku sheegeen in ninkaas dhintay uu saddex jeer ka cod batay haweenadayda kula tartamaysay maayarnimada magaalada yar ee Tracy oo meel miyi ah ku taala, isla markaana ay ku nool yihiin dadweyne lagu qiyaasay 1,658 qof, waxaana isaga u codeeyey 268 qof halka gabadha la tartamaysay heshay 183 cod.

Gabadha maayarka ahayd ee laga badiyey ayaa codka dadweynuhu siiyeen ninka dhintay ku noqotay fajiciso ay u qaadanwayday, waxaanay arrintani keentay in Golaha Degaanka magaaladu go’aan ka soo gaari doono inuu cid u magacaabo xilka maayarnimo ee Tracy City muddo afar sanno ah.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaaladaas iyo dadweyne kale oo ku dhaqan ayaa ku tilmaamay codka dadweynuhu ku doortay nin dhintay inay tahay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan maayarka xilka haysa oo muddo 16 bilood ah oo ay xilka haysay waxba qaban.

" Waan ogaa inuu dhintay, tanina tahay doqoniimo, laakiin waxaannu doonaynay qof aan ahayn maayarada iminka  Welibana ninka dhintay haddii uu mar kale tartamo toddobaadka dambe dib ayaan ugu codaynayaa. "Sidaa waxa yiri Chris Rogers oo ah mulkiilaha huteelka Lunch Box restaurant.

Xaaska uu ka geeriyooday ninka tartanka ku jiray oo magaceeda la yidhaa Susan Geary, ayaa doorashada ninkeedii oo dhintay ku tilmaantay mid aan ahayn wax lala yaabo, "May ahayn runtii wax lala yaabo, maalintii uu dhintay dadku waxay u soo dirayeen tacsi iyagoo leh weli waxaannu u codayn doonaa isaga," ayey tiri Susan.