Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wiil Diiday Inuu Ka Qayb Galo Aaskii Iyo Jinaasada Aabihii .. Maxaa Sababay ?

Wednesday - April 21, 2010

Xubin ka tirsan Al-shabaab ayaa wuxuu ku dhintey aabbihiis Shalay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Odeyga dhintey oo dhalay mid ka mid ah Al Shabaab  ayaa lagu magacaabi jirey Xassan Nuur Galaal, markii Aaskiisa loo dhaqaaqey ayaa waxaa loo yeerey wiil uu dhalay oo joogey Magaalada Kismaayo oo ka tirsanaa  Al-shabaab.

Wiilka oo lagu magacaabo Maxammed ayaa diidey in uu ka qayb-galo aaska iyo Janaasada Abbihiis Xassan Nuur, markii la waydiiyey sababta uu ugu qayb gali waayeyna wuxuu sheegey in uu aabbihiis iyo isagu aysan isku diin ahayn.

Khawaarijkaan ayaa aamisanaa in uu aabbihiis gaal ahaa maaddaama uusan ahayn Al-shabaab. Odeyga wiil kale oo uu dhalay oo wax laga waydiiyey Khawaarijka lagu magacaabo Maxammed, ayaa waxay sheegeen in horey cidda oo dhan u gooyey.

Abbihiis iyo hooyadiis oo soo koriyey waxna barey ayuu ola yimid diin kale isagoo ku yiri "hooyo iyo aabbe islaama, haddana is-guursada, guurkiinnii hore xalaal ma ahayne", taas oo aad uga yaabisay Odeygii iyo Habartii iyo dhammaan carruurtii ay dhaleen.

Markii odeygii iyo habartii ay ka diideen ayuu wuxuu ku yiri “Berii ayaan idin ka ahay”, wuxuuna bilaabay in uu gebi ahaamba xiriirkii u jaro.

Arrintaan oo ugub ku ah dadka Reer Kismaayo ayaa waxay noqotey arrin lala yaabo, waxayna dadku qireen in ay Khawaarijtu Diin kale oo cusub waddo.