Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Casharkii Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - April 22, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Mid Ka Mida ee caafimaadka .. Ku Soo Dhawaada Iyo Ujeeddo Casharka Maanta:  Waa Sifeynta Cudurada Ku Dhaca Hunguri- mareenka  Aadamiga.             ------------------------------------------------------------------------------


Mahad oo dhan waxey u sugnaatay Allah keligii, waxaan ku Bilaabay magaca Allah iyo saliga Udgoonow Nebi Maxamed NNK ha ahaato, Caafimaadka waa naxariis iyo nimco aad u weyn oo Allaha xaqa lagu caabudo ku maneysto adoomadiisa, waxa waajib ah in wax badan loogu mahadsho, waa mid ka mid ah labo nimco oo aan waarin, horayna noogu tilmaamay suubana NNK ha ahaato, qofku ma dareemo qiimaha weyn ee caafimaadku leeyahay ilaa uu dhedhemiyo ama tijaabiyo xanuun iyo cudur lasoo dersa, Allow waan kuugu mahadshay nicmada caafimaad ee aad iigu yaboohday, Rabiyow ii kordhi intii bukaan ahna caafimaad sii.


Cudurada ku dhaca waaxda Hunguri-mareenka Aadamiga aad iyo aad bay u fara badan yihiin una kala duwan yihiin, waxa loo qeybshaa kuwo raaga (Chronic) iyo kuwo soobood leh (Acute), qeybtan dambe waxa ka mid ah cudurka Qabsinka loo yaqaan oo ay Takhaatiirta ugu magac dareen "Isu Ekeeyaha Weyn", sharaftan iyo qadarintan weyn wuxuu cudurkan ku mutay, inuu isu ekeysiiyo cuduro badan oo qaarkood halis yihiin hadaan si deg-deg ah wax looga qaban ama dhimasho iyo dhaawac daran sabab u noqda.


Asbaab badan baa keeni kara cudurkan oo ay ka mid tahay: Shey la laqay (Foreign Body) oo gufa ama xira afka Appendix-Ka, Gooryaanka nooca loo yaqaan (Pinwarms), Saxaro Adag oo shirta afka appendix-ka (Fecaliths), Cudurada ay ka mid yihiin Carcinoids, Kansarka, Villous Adenomas, Diverticula, Ulcerative colitis, Ileocolitis of Chron's disease.


Si loo garto oo loo ogaado cudurkan waa in marka hore takhtarku ku fekero oo madaxa ku hayo had iyo goor, hadii takhtarku uusan ka fekerin jiritaanka cudurka waxa dhici karta iney ka hoos baxdo oo loo qaato wax kale maadaama dadka da'da weyn, dhalaanka iyo caruurta da'doodu yartahay aysan kasoo shaac bixin calaamadaha u gaarka ah ee lagu yaqaan cudurkan, sidoo kale haweenka Uurka leh laguma arko tilmaanta u gaarka ah ee lagu yaqaan Qabsinka kuwaa oo lagu arko bukaanka wax ka yar 50 boqolkiiba.


Calaamadaha iyo astaanta lagu garto cudurkan waxa ka mid ah: Calool xanuun ku aadan bartamaha Uur ku'jirta iyo agagaarka Xudunta oo marka bilowga ah aan sidaa u darneyn, kadib xanuunka caloosha wuxuu u dhaadhacaa dhanka midigta ah qeybta hoose ee calooshaa (RLQ), intaa waxa weheliya Lalabo iyo Hunqaaco, cunada oo uu diido bukaanka (Anorexia), qandho aan sidaa u darneyn, waxa dhici karta marar badan in (Appendix-ka) Allah ku abuuray dhanka dambe ee Xiidmaha balaaran sidaa darteed bukaanka waxa lagu arkaa calaamado kale oo ay ka mid yihiin: xanuun aan darneyn oo ku baahsan caloosha, bukaanku uusan garaneyn inuu tilmaamo barta xanuunka ku aadan, Lalabo iyo Hunqaaco aan darneyn, Shuban aan badneyn, Kaadi fara badan oo joogta ah, iyo dhiig soo raaca kaadida.


Si loo garto cudurka waxey adeegsadaan takhaatiirta sheybarka ay ka mid yihiin: CBC ama sawirka dhiiga oo lagu arko in Unugyada Cad-Cad ee dhiiga ay gaaraan ilaa 15000/mm3 oo boqolkiiba 75% ay yihiin nooca loo yaqaan Neutrophils, baaritaan Kaadida, saddex sawir X-ray oo caloosha laga qaado, Ultrasound, iyo CT Scan. Marka la xaqiijiyo in bukaanka waxa haya ay tahay Qabsin soo bood ah, si deg-deg ah waa in qalitaan loo sameeyo si looga gooyo bukaanka Appendix-ka hurgunku galay inta aysan ku dilaacin oo dhib fara badan aysan uga dhalan, marka qalitaanka la sameeyo isla marka xanuunku bilowdo dhaawaca iyo dhimashada ka iman kara cudurkan aad iyo aad bay u yartahay, sida badan marka ay ku bilaabato bukaanka xanuunka iyo marka ay qaraxdo Appendix-ka uma dhexeyso wakhti badan qiyaas ahaan wax ka yar 24 saac gudohood, dhibaatada ka dhalan karta markaan si dhakhsi ah loo garan ama wax looga qaban cudurkan waxa ka mid ah: Boogta oo hurgun galo (Wound infection), Muruqa kala qeybsha Wax-ku-jirka Feeraha iyo Uur-kujirta dhanka midig oo Malax ay gasho (Subphrenic Abscess), Uur-ku-jirka oo Malax yeelato (Pelvic Abscess), midaa oo ay ka dhalan karto Xiidmaha oo isku dhega (Adhesions) iyo dumarka oo dhalmada gaba (Infertility), Appendix-ka oo Malax yeelata.


Waxa had iyo goor loo baahan yahay in madaxa uu ku hayo takhtarka in cuduro kale ay noqon karaan sababta calaamadaha lagu arko bukaanka kuwaa oo ay ka mid yihiin: Boogta caloosha oo qaraxday ama dilaacday (Perforated Peptic Ulcer), Hurgunka Xameetida ee ba'an (Acute gangrenous Cholecystitis), Xiidmaha oo Xirma (Intestinal Obstruction), gaar ahaan dumarka waa in laga baaro Burada Ovariga (Ovarian Cyst), Hurgunka mareenka Ukunta (Salpingitis), iyo ilmaha oo ku beerma meel ka duwan booskoodii caadiga ahaa (Ectopic Pregnancy), si gaar ah waa in loo baaro marka qalitaan la sameeyo wax ku dhow 2 mitir xiidmaha yar (Small intestine) inuusan jirin cudurada loo yaqaan Meckel's Diverticulum, Ileitis iyo Yersenia enteritis oo dhamaantood ku hoos dhuuman kara cudurka Qabsinka soo booda. Marar aan badneyn waxa dhici kara in hurgunku ku fido agagaarka Appendix-ka sidaa darteed waxa loo baahdaa in laga gooyo bukaanka inta ku hareersan appendixka ee dhaawucu ku fiday (Appendix Plus Messentery iyo Rt Colon), si looga hortago dhibaato kale oo ka dhalata.


Qaliinka marka la go'aansho waxa la adeegsan karaa labo farsamo oo kala duwan kuwaa oo kala ah: Laparoscopy iyo Laparatomy, mida hore oo beryahan adeegsideeda aad uusoo kordhayo taa oo ay sabab u tahay iney uga waxyeelo yartahay bukaanka nooca dambe oo horay aad loo adeegsan jiray, farsamada qaliinka oo sanadadan dambe qalabka la adeegsado ay sahashay in bukaanka laga dhowro in calooshiisa qaliin weyn lagu sameeyo hadii laga maarmi karo.

DR. Shuaib, Abu Yusuf