Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Qashaabiirti Barlamaanka Isbiirsatay Oo Ku Hafatay Kiisas Lagu Shaq-shaqanaayo Doolar

Sunday - April 25, 2010

Mogadisho: wararka ka iimaanaya golaha baarlamaanka ayaa muujinaya in doodaha halkaas ka socda ay yihiin farsamooyin gaar ah oo looga sheekeysanayo kiis is waal ah oo lagu salaxanayo anfac iyo daneysi, waxaana laga war-wareegaya in midida la daro halka ay boogtu tahay .. Tuke qaaq ma daayo illa uu raq ku dago.  

xildhibaanadaan oo siiba intooda badan indhaha ku kala furay colaadi sokeeye si xuna duufaan  busaaradeed ugu dhufatay, cawradoodina Nairobi dhigantay,waxay raftaanba, galgashaanba, is aruursadaan kolba dhinac soo dhigtaanba waxay ugu dambeyn isku afgarteen xaalad mashruuc in lagu furo iyo habaas-kicin lagu abaarayo Gudoomiyaha baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo halkaas ninkii seexdaa siciis dibi dhal.

Shiikh Aadan Madoobe oo sidi maska lagu yaqano inu qalqalooc u socdo waa hawl gaara oo isaga uu taal iyo sidi uu barkiinta u dhigan lahaa, maxaa yeelay Ragi horay saaxiibada isaga dhigay  maanta wey ka soo horjeedaan oo salaxaad dambe ma jirto ayey yiraahdeen ... waxaana ugu daran Raga hadda ololhiisa fara baas ku haya Maxamed Qanyare Afrax oo wacad ku maray in Shiikh Aadan Madoobe uu Aabihiis fuudka la cabidoono isagoo ku andacoonaya inu xilkiisi dhamaaday.

Sida la ogyahayna Shiikh aadan Madoobe Oo horay ugu wacad furay Cabdulaahigi Yuusuf oo kursiga maanta lagu haysto isagu uu salaxay waxaa khilaafkooda xangarufta sabab uu ahaa dhiirigalinti Qanyaraha uu ula tagay Shiikh Aadan Madoobe oo uu aqbalay, maantana waa kaas Qanyare godka iyo hoobaaqaha uu qodaya raiisal baarlamaanka  .. waxaa la yiri wixii baxaya indhaha casaada .. waxaa la sheegay Shiikh Aadan inta indhihii casaadeen ayuu ku dambeeyey .. cidna eersanmaayo .. anigaa isugeystay .. haddi aan sidaa iyo sidaa yeeli-lahaa .. waa culustihiine awliyow allaay adeega

Dhinaca kale waxaa iyadana la xaqiijinaya in xildhibaano fara badan oo gogosha baarlamaanka taraq la daba taagan meel culusna kaga jira buuqa ay qooraansanyaan "Kitu Kidoga" uga timaada xagaa iyo Villa Soomaaliya , waayo war ayaa illa shalay soo gaartay xubnaha baarlamaanka oo sheegaya  in candho dawlan oo uu hor kacayo Shariif Sakiin uu xawaalad ka soo qaaday Laba Malyan oo doolar oo ugu tala galay kala furfurka carabyada dalabka leh ee buuqa wada.

Dawladaan Candha Dawlaha ku magacaaban ee hor iyo dabo-toona kala lahayn oo Reer Alla Shiikh wey ogyihiin ula jeedada khamaarka ka dambeya laba kacleynta ay wadaan kooxaha xulufeysiga hoose ee doonaya iney taayirada ka badalaan baabuurka uu darawalka ka yahay Shiikh Shariif, taaso ay doonayaan in jagada gudoonka baarlamaanka ay uu soo sharxaan mid Qaawan kabihiisana ciribtu ka dhamaatay oo iyagu gacanta ku hayaan taaso mustaqbalka ay ku doonayaan in baarlamaanka la keeno mooshin lagu dooranaayo madaxweyne cusub oo halkaas Hasha Maandeeq gurtay ay markooda guja gujeystaan illa ay naf baxdo ... waa maalin ilahay, maanshee .. aan maalo hasheena maan-deeqey ayey niyada kaga dhawaaqaan. 

Kalfadhigan oo dhawr goor oo hore dib u dhacay isla markaana si wayn loo filayay inuu qabsoomo ayaa la sheegayaa in uu marar badan dib u dhacay kadib markii koox ka mida labada kooxood ee uu baarlamaanku u kala jabay ay ku hanjabeen in hadii uu shir gudoonkii hore oo ay ku doodeen inuu wakhtigiisii dhamaaday yimaado uu gacan hadal ka dhici doono goobta shirka.

Dhanka kale kooxda iyana shirgudoonka taageernsan oo la filayo in ay balanqaad ka heleen candha dawlo ayaa ku doodaysa in kalfadhiga uu shir gudoomin doono gudoomiyaha baarlamaanka soomaliya Sheekh Aadan Madoobe. Iyagoo ku doodaya in aan xilkiisii dhamaan sabab loogu diidaana aanay meesha ool.

Arinta si kastaba ha noqote shacabka Soomaali meel kasta ay joogaan waxaa ka dhaadhacsan iney yihiin Qashaabir is biirsatay ,, waa rifyaal baab allaale baab ay garanayaan ama laga sugaya jirin iyo wax ay micneynayaan toona, mana muuqato rajo ka soo socota ayeey shacabka ku hadaaqaan.