Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xag Jirka Dalabaan Ka Soo Horjeeda Waxbarashada Hablaha Oo Sumeeyey 80 Ka Mida

Monday - April 26, 2010

Seddex iyo Toban Hablood oo Ciyaalo Iskuul ah ayaa xanuun soo ritay iyadoo laga shakisan yahay in la sumeeyey iyagoo ku sugan Gobolka Kunduz , tirada Hablaha la sumeeyey iyana todobaadkii la soo dhaafay ka dhigaysa 80 Hablood.

Hablahan looga shakisan yahay in la sumeeyey ayaa dareemaya calaamado ay ka mid yihin Madax xanuun, Matag, Qabaw daran iyo wareer markii la keenay Cusbitaalka, sida uu sheegay Mr. Humayun Khamoosh oo ah Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Gobolka.

" Waxay ka cabanayeen walxo aanay garan oo la dhigay Fasaladooda hortooda, kadibna xanuun ayaa soo ritay, laakin markii la daweeyey kadib hadda caafimaadkoodu wuu ka soo reenayaa" ayuu yiri Humayan oo ah Madaxa Cusbitaalka.

Wuxu intaa ku daray Madaxa Cusbitaalku in la baariyo sababta keentay Xanuunka soo ritay Hablaha ardayda ah balse wuxu sheegay inay aad uga shakisan yahay in si ula kac ah hablaha loola beegsaday sunta, laakin wuxu yiri su'aashu waxay ka taagan tahay in Hablaha ay bartilmaan-sadeen kooxa xag jirka ah ee kasoo horjeeda waxbarashada Gabdhaha iyo inay tahay xaalad kale.

Wararka ka soo baxaya deegaankaas ayaa sheegaya in seddex Dugsi oo isku jiraa ilaa seddex Kilimitir oo ka tirsan isla deegaankaas ay iyaguna qaylo dhaan soo dirtayn kadib markii kooxaha Daalibaan u hajabayn.

Afhayeenka Madaxweynaha Afghanistan Waheed Omar ayaa ka hadlay Dhacdaday isagoo sheegay inay tahay isku day la doonayo in Hablaha lagaga joojiyo waxbarashada iyo ineysan aadaan Dugsiyada.

Ilaa hadda Ururka Daalibaan arintaan dhacdada lagu eedeeyey kama aysan hadlin .