Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xubnihi Baarlamaanka KMG Oo Shiikh Shariif Ka Diiday Iney Sameeyaan Dibu Gurasho

Tuesday - April 27, 2010

Kadib kulan Madaxweynaha dowladda soomaaliya uu shalay kula qaatay xarunta Madaxtooyada Xildhaanada Baarlamaanka gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda gudoonka baarlamaanka ayaa waxaa kulanka ku wehliyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, iyadoo kulankaas ahaa mid albaabada u xiran.

Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka qeyb galay kulankaas oo gaaraya ilaa 300 ayaa waxay ku gacan seyreen dalab uu Madaxweynaha u soo jeediyay, kaas oo ahaa in Aadan Madoobe loo daayo xilkiisa.

Xildhibaan C/qaadir Cismaan Cali Shido oo ka mid ahaa Xildhibaanada kulanka la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday xildhibaanada hase ahaatee ay ku diideen.

Waxaa uu sheegay Xildhibaan Shido in Madaxweyne Shariif uu u sheegay xildhibaanada in xiligaan aysan munaasib ahaayn talaabada lagu ridayo gudoonka baarlamaanka , waxaa uu sheegay in kala jab iyo dib u dhacy gelineyso horu u socodka dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada dhagaha ay ka fureeysteen codsiga Madaxweyne Shariif oo ah in xilka loo daayo Aadan Madoobe islamarkaana uu madaxa u ruxayey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Dowlada Jabuuti oo aad uga xumaa talabada Xildhibaanada.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka ka dib ka dhaadhicn dheer uu madaxcweyne Shariif u maray in Adaan Madoobe xilka loo daayo uu ku hungoobay hase ahaatee la isku afgartay in cod loo qaado gudoonka baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanada maanta kulanka uu la qaatay Madaxwyne Shariif ayaa waxa ahaayeen xildhibaada ka soo horjeeda Gudoonka baarlamanka Soomaaliya isla markaana go'aansaday in xilga ay ka qaadaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.