Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Jarmalka Oo Markii Ugu Horeysey Gabar Muslim Ah Uu Magacaabay Wasiir

Wednesday - April 28, 2010

Golaha Barlamaanka Jarmalka ee Lower Saxony ayaa u dhaariyey Ayguel Oeskan inay noqoto Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Waqooyiga taas oo ka dhigaysa gabadhii ugu horeysay ee Muslimad ah ee Wasiir ka noqotay Jarmalka.

Gabadhan 38-Jirka ayaa ka tirsan Xisbiga ay hogaamiso Raysal Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ee Christian Democratic Union (CDU).

Ayguel Oeskan waxay ku dhalatay Magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka waxayna kasoo jeedaa Asal ahaan dalka Turkiga.
Intii aan loo dhaarin Xilka Wasiirnimada waxay ahaan jirtay Afhayeenka Siyaasada Dhaqaalhaa ee Barlamaanka heer Gobol ee Hamburg.

Horaantii Bishan markii ay soo shaac baxday in Gabadhan loo magacaabay Wasiir ayaa ururka Christian Wulf ay soo dhameeyey iyagoo ku tilmaamay dhambaal muhiim u ah dadka Asal ahaantoodu muslimka tahay ee ku nool dalka Jarmalka.

Oezkan oo saxaafadda u waramaysay ayaa sheegtay inay Dadaalkeeda oo dhan iskugu gayn doono sidii ay uga shaqayn lahayd una wanaajin lahayd xaalada Bulshada ay Wasaaradadeedu masuulka ka tahay

" Waxaan si cad u sheegay inaan la wareegi doono Nidaamka Maamulka Isdhexgalka oo hadda hoos yimaada wasaaradda Arrimaha Gudaha, waa Hawl aad si weyn u doonayo inaan Saamayn ku yeesho" ayey tiri iyadoo u waramaysay Wargeyska Focus Magazine.