Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Nin 70 Sano Wax Cunin Waxna Cabin

Thursday - April 29, 2010

Saynisyahanada Ciidamada Military-ga Dalka Hindiya ayaa ku mashquulsan baaritaanka Nin 82-jir ah kaas oo sheegtay inaanu Waxna Cunin Waxna Cabin Muddo ku siman Todobaatan Sano.

Mr. Prahlad Jani ayaa lagu baaraya oo lagu hayaa Cusbitaal ku yaal Magaalada Ahmedabad ee Gobolka Gurjurat halkaas oo baaritaan iyo La socod xaaladiisa ah ku sameenayaan Saynisyahano ka tirsan Ururka Cilmi-Baarista ee Dhinaca Difaaca.

ilaa hadda iyo intii lagu Bilaabay baaritaanka Lix Cisho ayaanu waxba cunin waxna cabin iyadoo si weyn ula socdaan xaaladiisa caafimaad dhakhaatiirta iyagoo sheegay inaanu jirkiisa wax saamayn ah ku yeelan cunto la'aantu lixdaa cisho isagoon dareemin wax gaajo ah ama haraad ah.

Ninkan oo sheegay inuu ka tagay gurigooda isagoo todoba jir ah ayaa noola isagoo sheeganaya inuu yahay nin barakaysan oo laga haybadaysto, balse sheegashadiisu waxay muran ka dhex dhalisay dhakhaatiirta iyagoo qaar aamisan inuu jiri karo qof caynkaas ahi halka qaar kalena fikradaas kasoo hor jeestayn.

Xarunta Horumarinta Difaaca iyo Cilmi-Baarista Hindiya oo inta badan soo saarta Diyaaradaha Dagaalka, Gantaalaha Qaaradaha iskooga gudba iyo Bambooyinka Cusub ayaa sheegaya in haddi Mr Prahlad waxa uu sheeganaya run noqdaan ay doonayan inuu baro ciidamada Dalka Hindiya sidii ay u noolaan lahayeen una badbaadi lahayeen iyagoon cunto cunin marka xaaladaha halista ah lagu jiro.