Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Friday - April 30, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Mid Ka Mida ee caafimaadka .. Ku Soo Dhawaada Iyo Ujeeddo Casharka Maanta:  Waa Cudurada Ku Dhaca Haweenka Oo Qaarkood La Wadaagaan Raga.

              --------------------------------------------------------------------------------------------
 
Mahad oo dhan waxey u sugnaatay Allah keligii, waxaan ku Bilaabay magaca Allah iyo saliga Udgoonow Nebi Maxamed NNK ha ahaato, Caafimaadka waa naxariis iyo nimco aad u weyn oo Allaha xaqa lagu caabudo ku maneysto adoomadiisa, waxa waajib ah in wax badan loogu mahadsho, waa mid ka mid ah labo nimco oo aan waarin, horayna noogu tilmaamay suubana NNK ha ahaato, qofku ma dareemo qiimaha weyn ee caafimaadku leeyahay ilaa uu dhedhemiyo ama tijaabiyo xanuun iyo cudur lasoo dersa, Allow waan kuugu mahadshay nicmada caafimaad ee aad iigu yaboohday, Rabiyow ii kordhi intii bukaan ahna caafimaad sii.
 
Cudurada ku dhaca haweenka aad iyo aad bay u badan yihiin oo u kala duwan yihiin, kuwo badan waxey la wadaagaan ragga kuwo kaloo badana iyaga oo qura bay gaar u yihiin, Burada ku beeranta Naaska dumarka iyo ragga way ka siman yihiin, inkastoo wax badan ay tan dumarka aad uga fara badan tahay, baraarujinta Jimcahan waxaan door biday inaan kormeer ku sameeyo mida ku beeranta Naaska dumarka oo noocyo badan loo qeybsho, isla markaana guud ahaan u kala baxda kuwo wanaagsan (Benign) iyo kuwo aan wanaagsaneyn (Malignant).
 
Siman waa haweeney 41 jir ah, murwo caafimaadkeeda aad iyo aad ugu dadaasha si joogta ahna u baarta naaskeeda siduu ku taba baray takhtarkeeda oo uu kula taliyay, maalin maalmaha ka mid ah iyada oo naaskeeda baareysa waxey dareentay in buro ay ku taal, shantii sano ee lasoo dhaafay intey baareysay naaskeeda wax buro ah kama dareemin waa markii ugu horeysay oo ay ku aragto isbedel ku yimi naaskeeda midig. Siman si deg deg ah bay ula xiriirtay takhtarkeeda, kadib markii uu baaray waxa uu arkay in Siman Naaska midig dhanka sare ee dibeda xiga kaga taal buro balaceeda uu dhan yahay 3 Cm, burada ma noqon mid ku dhegan muruqa naaska ama maqaarka ka sareeya, taabashada waxa laga dareemayaa in burada ay adagtahay, sidoo kale takhtarku wuxuu ka helay Kilkisha ku aadan naaska midig ee murwo Siman sadex qanjir oo bararsan, dhanka Kilkisha bidixda xigta kama helin takhtarku wax qanjir ah oo bararsan, Siman wuxuu takhtarkeed kula taliyay inuu u gudbiyo qeybta qaliinka qaabilsan iyo takhaatiirta arintan khibrada u leh si wax looga qabto burada ku taal naaskeeda midigta xiga.   
 
Dulman waa murwo 49 jir ah, waa hooyo aan weligeed isku taxalujin iney yeesho talada takhtarkeeda kula taliyay si joogta ah iney u baarto naaskeeda, wixii isbedel ah oo ay ku aragto si deg deg ah ula socodsiiso, mudo badan iyada oo aan booqan takhtarkeeda mar ay ugu tagtay xanuun Xundhurta ka hayey waxa uu u diray iney iska qaado baritaanka Mammography loo yaqaan si loo eego in waxyeelo ay ka qabto iyo in kale Naaska, maadaama haweenka da'doodu ay ka sareyso 40 sano si joogta ah looga qaado baritaanka labadii sano mar, markii natiijadii baaritaanka la arkay, waxa laga helay murwo Dulman meesha ku aadan dhanka sare ee dibedda xiga naaskeeda bidix buro balac ahaan dhan 3 Cm, nasiib wanaag lagama helin wax qanjir ah oo bararsan laba kilkilood, takhtarkeeda isla markiiba wuxuu u diray Takhtarka qaabilsan qaliinada haweenka si wax looga qabto burada lagu arkay naaska bidix ee murwo Dulman.
 
Waa labo dhacdo oo yaab leh, hadii aad u fiirsato haweenka intooda badan waxey u qeybsamaan sida labadan murwo, kuwo ku dadaala caafimaadka jirkooda iyo maskaxdooda, iyo kuwo kaloo wax shido ah aan iska saarin caafimaadkooda.
 
Waxaan rajeynayaa in Jimcaha dambe hadii Allah raali ka noqdo aan idiin dhameystiro waxa ka haray maqaalkan, sidan waxa aan u yeelayaniga oo ka baqay in maqaalku dheeraado kadibna laga caajiso akhrintiisa, sidoo kale si aan u siiyo wakhti si akhristaha daalacda bogan inuu isku dayo inuu soo sameeyo baaritaan iyo akhrin mowduucan ku ssabsan, oo ah Burada ka beeranta Naaska dumarka.

Allow wixii aad na bartay nagu anfac, cilmi wax natara nabar oo noo sahal.

Dr. Shuaib
Al Amin, Abu Yusuf