Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Nin U Dhashay Shina Oo Xabsiga Ku Jiray 8 Sano Ayaa La Sii Daayey Kadib Marki U Yimid Ninki U Dilay

Tuesday - May 11, 2010

Sanadku markuu ahaa 1997-dii ayaa Zhao Zhenshang la waayey meel uu ku dhacay ama u dhaqaaqey, kadib markii ay is qabteen saaxiibkiis Zhao Zuohai oo ku yeeshay lacag dhan $230, lacagtaas oo uu bixinwaayey.  Afarbilood kadib qaraabadii Zhao Zhenshang ayaa geeyey booliska dacwad ah in la waayey Zhao Zhenshang, sanadkii 1999-kii bishii May ayaa laga helay isla tuuladii ay deganaayeen meydka nin madaxa laga jaray oo uu ka maqan yahay, waxaana isla markiiba la soo qabtey Zhao Zuohai oo ahaa ninka deynta ku lahaa Zhao Zhenshang oo loo maleeyey in uu yahay ninka meydka ah ee madaxa laga gooyey.

Zhao Zuohai ayaa sanadkii 2002 lagu xukumay in uu dil geystey, muddadii uu xabsiga ku jirey xaaskiisi waa iska furtey waxayna guursatey nin kale, afar caruur ah oo uu dhalay waxaa loo qaybiyey laba reer oo deganaa tuulooyin kale kuwaas oo korinaayey caruurtaas isla markaana ka dhiganaayey sidii caruurtoodi oo kale.

Waxay waayuhu isdababa socdaan qaddarkii ayaa yimid, kadib markii naftii la sheegay in la diley oo cagaheedi ku soconeysa ay timid, Zhao Zhenshang waxa uu yimid tuuladii uu ka cararay muddo 10 sano ah ka hor isaga oo naafo ah oo dhinac qalalan yahay, waxaana uu u yimid in uu dalbado lacagta caydha maadaama uu naafo yahay.

Zhao Zhenshang ayaa u sheegay mid kamid ah joornaalada ka soo baxa Beijing in uu ka cararay tuulada la yidhaahdo Shangqiu ee gobolka Henan, isaga oo ka cabsi qaba ninkii deynta ku lahaa ee Zhao Zuohai in uu dilo, markii uu joornaalka u waramaayey kama muuqan hadalkiisa in uu ka qoomamaeynaayo in saaxiibkiis uu xirnaa muddo sideed sano ah isaga dartiis caruurtiisi iyo xaaskiisina seegay, “….Walaahay nin cayaar badan ayuu ahaa kaftan badan, waa u baahnaa in cashar caynkaas oo kale ah in loo dhigo….” ayuu ku yiri Beijing News.

Gabadh la dhalatay Zhao Zuohai ayaa sheegtey in Boolisku ku khasbey in walaalkeed uu denbiga qirto kadib markii jirdil xoogleh lagu sameeyey, sidoo kale xaaskii hore ee uu qabay ayaa sheegtey in lagu sameeyey jirdil aad u xun isla markaana lagu khasbay in ay sheegto in ninkeedu uu galay faldanbiyeed dil ah.

Sida laga soo xiganaayo Daily China, waxaa socda baaritaan arintan ku aadan, sida ay u dhacdey in qof aan waxba galabsan loogu xukumo denbi aanu gelin.  Zhao Zuohai ayaa hadda magdhaw loo siinayaa $45, 000 USD.

Waa mid ka mid ah sheekooyinka ugu yaabka badan ee joornaalada caalamku qoreen,  si kastaba ha ahaatee arintaani waxa ay markhaati u tahay miraha ka soo baxa xukunka aan cadaaladda ku dhisneyn.