Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Doonidii Siday Hubka Ee lagu Qabtay Xeebaha Yeman Oo La Ogaaday Ciida Iska Lahayd

Wednesday - May 12, 2010

Warbaahinta dalka Yemen ayaa soo warisay in ciidamada bada ee Yemen ay gacanta ku dhigeen dooni wada hub iyo rasaas oo ku sii jeeday xeebaha dalka Soomaaliya.

Doonidaan ayaa marki hore waxaa loo maleynayey in ay si sharci darro ah hub kusoo gilineysay gudaha dalka Yemen, laakin waxaa wararku ay hadda sheegayaan in ay ku socotay doonta dhinacaas iyo Soomaaliya.

Wargeysyada ka soo baxa dalkaasi ayaa qaarkood sheegay in ay si hoose u ogaadeen in hubka iyo saanada saaran doontan ay leeyihiin Islaamiyiinta Soomaaliya.
Warbaahinta farta kumeysan fiiqin kooxda sida gaarka ah u leh sida Al-Shabaab ama Xisbul Islaam, balse waxay sheegeen in hada ay ciidamada amaanka wadaan baaritaano dheeraad ah.

Doonidan oo laga leeyahay dalka India ayaa waxaa saaran 14 ruux oo Soomaali ah, waxayna iminka ay ku xiranyihiin xabsi ku yaal magaalada Cadan iyaga iyo hubkoodaba ... waxayna Qunsuliyada Soomaaliya ay ku leedahay Yemen ay xaqiijisay warka sheegaya in Yemen ay xirtay dooni waday hub sharci darro ah.

Soomaaliya ayaa waxaa saaran cuna qabateyn dhinaca hubka ah, waxaana sanad walbaa soo gala hub aad u fara badan oo ay isu adeegsadaan dhinacyada isku haya Soomaaliya.