Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Xubnaha Baarlamaanka Oo Axada Uu Kalihi-doona Shir Yoo-Yootan Iyo Aloow Xero Maran Xoolo Soo Gali

Friday - May 14, 2010

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday goorta uu furmayo kalfadhiga baarlamaanka, wuxuuna sheegay in maalinka Axada ah uu ka furmayo gurigii Umadda.

Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay xildhibaanada ka maqan dalka in ay soo xaadiraan kulanka furmaya maalinta Axada, wuxuuna sheegay in xildhibaankii gudan waayo waajibaadkiisa uu waayayo xilka xildhibaanimo

Sida wararku sheegayaan waxaa jira booli-xofto iyo jarar la rabo in la isu dago oo la doonaayo waaga laysugu waabariisto iyado ujeedadu tahay been la kala sheego oo halkaas si munaafaqnimo ah indhaha faraha la iska galiyo .. la is caayo,yooyootan iyo xusul duub ninba wuxuu heli karo ... sheekadu gunteeda waa aloow xero maran xoolo soo gali

Baarlamaanka ayaanan fariisan in mudo ah, waxaana uu fadhigoodan Axada ah ku soo beegmayaa xilli dhawaan loo dayactiray xaruntii hore ee baarlamaanka (GOLAHA SHACABKA)