Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Al- Shabaab Oo Cabsi Ka Muujisay Weeraro Ku Soo Wajahan Kisimaayo

Sunday - May 16, 2010

Afhayeenkooda ururka Al-Shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa la sheegay in ay gareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Socdaalkaan ay kooxda Alshabaab ku tageen Kismaayo ayaa ka danbeyay markii Maamulka Shabaab ee jubbooyinka ay sheegeen  in ay culeysyo badan ay ka soo wajaheen deegaano ku yaala galbeedka gobolka jubbada hoose,  iyo waliba deegaano xaga xadka,

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo saxaafadda kula hadlay kismaayo ayaa sheegay in kismaayo ay tahay meesha  ugu badan ee ay kooxda Al shabaab ka helaan  dhaqaalaha,  waxeyna shacabka ku dhaqan Kismaayo ay ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan difaaca gobolka. Isla markaana ay ka hortagaan  kooxaha iska soo abaabulaya gudaha dalka kenya,

Afhayeenka Alshabaab iyo Saraakiil kale oo Shabaab ah ayaa gaaray Magaalada Kismaayo halkaasi oo laga dareemayo khilaafaad xagga Maamulka ah.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere iyo Saraakiil badan oo la socotay ayaa gaaray Magaalada Kismaayo oo la hadal haayo in khilaaf adag oo soo kala dhexgalay Maamulka ka jira Magaalada.

Afhayeenka Alshabaab ayaa saxaafada hadal kooban siiyay markii uu gaaray Magaaladaasi isagoo hadalkiisa ku soo koobay in howlo dhanka maamulka ah ay u tageen Magaaladaasi.

Afhayeenka ayaa muujiyay in ay doonayaan xalinta Khilaaf taagan wallow uu ka gaabsaday in uu faahfaahin buuxda ka bixiyo qaabka ay u doonayaan xalinta Khilaafaadka taagan.

Dhawaanahan ayaa waxaa soo baxayay khilaaf adag oo xagga maamulka ah kaasi oo soo kala dhexgalay dhinacyada ku midaysnaa Alshabaab ee uu ka dhexeeyay Maamulka Kismaayo.

Kooxda Caanoole ayaa la hadal haayaa in Wadaadkii hogaamin jiray ay dileen Koox ka mida Alshabaab taasi oo muran badan iyo is qabqabsi dagaal sababi kara ka dhex dhalisay Mamulka Guud.

Horay waxaa u jiray khilaaf muuqday oo u dhexeeyay Garabkii Xasan Turki iyo Saraakiil kale oo ka mid ah Alshabaab taasi oo qalqal galisay jiritaanka Maamulka.