Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Shiikh Shariif Oo Dawladiisi Isku Dhex Daadatay Sidi Turub La Shaandheeyey

Sunday - May 16, 2010

Mogadisho: Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa si xun uga deyrinaya xaalada siyaasadeed, nabadgalyo ee uu ku sugan-yahay mustaqbalka maamulka madaxweyne Shiikh Shariif oo la yiri xilki loo egmaday ayuu gudan-kariwaayey .. arintuna waa yaabe soo af kala qaad iyo ka daro dibi dhal maha iyo maalin walba wax aan loo fadhin oo lala yimaado fadqalalo iyo dhibaato la is dhex dhigo , waa hawl Shiikh beesha iyo shariif Sakiin iyo Aadan Madoobe uu taal ayey dadka qaarkiis leeyihiin.

Dawlada Shiikh Shariif qarka ayey uu saarantahay in gabi ahaanba ay burburto oo la kala sadcaalo, waxaana la xusaya in beesha caalmaka gaar ahaan dawladaha daneya arimaha Soomaaliya ay ilaa shalay u socotay wada hadalo xaga isgaariinta oo ay kaga arinsanyaan tafaraaruqa iyo fawdada ka bilaabatay golahi Baarlamaanka oo si aan caadi ahayn u kala jabay iyagoo mid waliba istacmaalaya farsamooyin si xun wax uu sheega oo sixirka kaba si xun, waxayna dawladahaas horay uu tilmaameen in ruuxaan shiikh Shariif uusan ahayn sidi ay moodayeen oo uu noqday badaw suud madow iyo shaar cad loo galiyey.

Dadka arimaha Soomaaliya indha-indheeya oo xaaladaas laga wareystay ayaa carabka ku dhuftay in awlba beesha dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya ay ul booca ugu tukubayeen in ay xil ka xayuubiyaan madaxtinimada Shiikh Shariif oo noqday wax matare iyo mid uun anfac aruursi ku jira oo dan iyo heelo aan ka la hayn axwaasha ummada Soomaali iyo hawlaha loo egmadayba ... waxaana sida muuqata sheekadu ku socta in bilaha soo socda shiir dambe Soomaalida loogu qabto magaalada Ugaandha, waa haddi loo helo misaaniyad lagu furdaamiyo shiirkaas, ayaa la leeyahay.