Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Afawarqe- Eriteriya Oo Ku Dhawaaqay In Uu Dalka Masar Ku Garab Istaagi-doono Go'aamada Biyaha Nile

Monday - May 17, 2010

Asmara - Kadib markii Murankii ku jahaysnaa wadahadalka qorshaha lagu wadaagayo biyaha Wabiga Nile uu Cirka isku Shareeray ayuu Madaxweynaha dalka Eriteriya Mr. Isayas Afwerki ku dhawaaqay in uu dalka Masar ku garab istaagi doono go'aamada biyaha Wabiga Nile.

Isayas oo wareysi siiyey television-ka dalka Masar ayaa sheegay in go'aanka ku aadan wadaaga biyaha Wabiga Nile ee ay gaareen dalalka Itoobiya, Tanzania, DR Congo, Kenya, Burundi, Uganda iyo Rwanda uu yahay mid qaldan, isaga oo tilmaamay in uu go'aankoodu murgin-doono xaalladda, isla markaana abuuri-doono xiisad colaadeed.

Afhayeenka dowladda dhexe Itoobiya Mr. Shimeles Kemal ayaa daraad ku eedeysay xukumadda Masar in ay caqabad ku tahay wadahadalka la doonaayo in lagu gaaro heshiis lagu wadaago biyaha Wabiga Nile, isaga oo sheegay in Masar la'aanteed la meel-marin doono heshiiska.

Dowladda Masar ayaa ku adkaysanaysa in ay xaalladu dagaal noqon doonto haddii la soo faragaliyo heshiiskii hore ee wadaaga biyaha Wabiga Nile. Ingriiska ayaa xilligii uu Afrika inteeda badan gumaysanaayey u saxiixay dalka Masar sanadkii 1959, in ay biyaha Wabiga Nile boqolkiiba 85 iyadu leedahay, isla markaana siiyey codka qayaxan (veto), kaas oo ay kaga hortagi karto go'aan kasta oo ku saabsan wadaaga biyaha Wabiga Nile.

Lixda dal ee uu maro Wabiga Nile, Itoobiya, Eriteriya, Kenya, Uganda, Sudan, Tanzania, DR Congo, Burundi iyo Masar, ayaa labo garab u kala jabay, waxaana labada garab kala hogaaminaya Itoobiya iyo Masar ... By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist