Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Walad Cabdala Markale Doonaya Inu Unko Mid Magac U Yaal Ah Sawir Meel Soo Taago Uu Ku Sheego Dawlad

Tuesday - May 18, 2010

Mogadisho- Canada- Ameerika : Wararka illa iyo shalay goobaha kulanka ay ku kulmaan dadka oo ay galdogob Times ka soo xigatay ayaa mooda in inta badan ee bulshada Somaali ay uu arkaan mustaqbalka Soomaaliya mid ka si darto mooye aan la arag wax ka soo reeynaya oo ay iilka ku sii dhawaaneyso marba marka ka dambeeya 

Wararka doodaha falaaqeynta ayaa lagu eedeynaya in wakiilka qaramada midoobay Ee Soomaaliya Walada Cabdalla Uu xaasidnimo intu ka qabo ummadaas uu maleegaayo dabino qarsoon oo uu is leeyahay ku xayir si aysan taayir ugu rogmin hanashada qaranimadeeda, isaga oo ka talinaaya colaad uu dab kaga shido hoosta, iyo mijo xaabin uu kula dhex jiro maamul kasta oo soo dhiso, oo sida lala wada socdo uu hadba qorsho cusub la iimaanayo isagoo uu adeegaya dano Guumeysi aan soomaali marna wax la dooneyn.

Sida sheekada bulshadu uu dhaceyso waxay ku eedeynayaan Walad Cabdalla inu markasta xashiis aan wax diirinayn sii saaraayey dad xaabo ah si uu carqaladeeyo dawlad micno leh oo halkaas ka dhalata, waana tan ku kaliftay in uu maalinba maalinta ka dambeysa soo dhiso maamul qosol ku jab ah oo dabada laga riixaayo suuf iyo xanjo ... waxuu kolba unko mid magac u yaal ah oo uu ku sheego dawlad oo marba sawir meel soo taago-ba, ay ayaamo ka bacdi is diirto-ba, isku waalato oo ay iyadu is cunto-ba, uu hadana xaabo kale soo ururiya, wixii oo dhami ku danbeeyaan burbur iyo kala yaac, ilayn waa wax aan daacad laga ahayn oo lagu dhisay kuwa xumaanta kula dhex jirta umada dana-heeda.

Nasiib daro wuxu isku deyey in dawalada ku sheeg ku huluuqo jabuuti isaga oo kuwo ka soo haray dagaal ogayaashi qab-qablayaashi " worlords" iyo wadaado ku sheegi ee la eeday uga dhigay madax-weyne waa sida uu jeclaaye, maamul uu isagu u taliyo sida uu doonana ka yeelo baa waxa uu kursi lugo lahayn ku fariisiyey Shiikh Shariif oo ah nin ka maran dhinac walba oo rabi xaalkiisa ogyahay. 

Walad Cabdalla waxuu hindisihiisi Soomaaliya dhaxalsiiyey burbur, qax, baqool, dalan-dool, barakac, isla wareertay ee meel ay cuskato wayday, misana waatii ku dhacay, gacmaha wadaado ku sheega al-shabaab, suna-wal jamaaca, xusbul islaam iyo yiciis kale oo hoos qaadaysay, dabeed waa kaa hadana walad Cabdalla soo rogaal celinaaya, ee shaar cusub raba inu u soo geliyo mooryaan oo uu markaan ku sheego Mufti iyo wax la mida, si uu mar kale u yiraahdo Somali baan wax la doonayaa, oo aduunka intaas leeg aniga ayuun baa idinka naxaaya.

Walad Cabdala Waa kii horay shanta boqol(500) ee baarlamaan ku yiri khasab ku doorta ee soo unkay waxa uu ku tilmaamo kmg, ina Cabdirashiid-na ku magcaabay ra’isal wasaare, waa wax ileen xaga samada laga haystaaye wixii uu isugu soo ururshay ee uu maamulka uga dhigay waa tii aqalkii Villa somaliya ee war-dhiiglay dhinac-na u dhaafi wayday ee baarlamaankii uu kala fariistay jabuuti, Nayroobi, itoobiya, iyo in Mogdisho warwa-reegta oo kolba meel isku qabsata.

Waa xarig lama sitaanee waxay maaweelo, geed sare waab, is-haysad, kala qabta, kolba meel u duul, ciidan isu doonad, kharash raadis, hub la isu qaato-ba, iminka ayey iyana isa soo gabaga-boowday, oo xinkii iyo xaasid-nimaddii uu ku soo dhisayey dawlad ku sheegaas ay isa soo taagtay, oo gudoomiya ku sheeggii baarlamaanku shiikh Aadan Madoobe uu kala diro xildhi-baanaddii, oo uu yiraahdo ma jirto wax dawlad la yiraahaa, kana codsayday wadaadka ab-gaal Sheekh Shariifka in uu doorto ra’isal wasaare cusub oo soo dhisa xaabo kale oo dab lagu shido.

Waa yaabka Yaabkiise, waxa dhanka kale iyna ka qaylinaaya xildhi-baanaddii oo leh, isga baan xilkii ka qaadnay oo mid ay ku sheegeen ku meel gaar noqda gudoomiye baarlamaan ku wareejiyeen xilkii aadan madoobe ... iyo ina cabdirashiid oo ugu dambeys yiri xil laygama qaadi- karo oo hadalkii madaxweynaha ganafka ku dhuftay, waxa xiligaan Walad Cabdalla oo mar kale araxda uga jabay marku uu socon wayday xaasid-nimaddii uu kab ka-baayey.

Somaaliya oo ku dhaw-dhaw in laga saaro khariirada(map-ka aduunka) caalmaka ... hadaba Walad Cabdalla muxuu ku hadli ee laga dhegaysan doonaa? dib ma isugu deyi doonaa in halkiisii ka bilaabo? su'aashu weji Somali uu ugu yimaadaa ma ku haray? muxuuse inagu-la hadli ee laga filayaa? ma sharf baa u haray? muxuu samayn ee uu ku talo jiraa? ma ogaan doonaa runta? weli ma waayo arkay? mise waa ka melefan oo weli gudcur magan gooyo buu gudayaa? wax uu dhawrsaday ma jiraan oo loo tix-geliyaa? ... ayey dadkii warkaan bixiyey hadaladoodi ku soo gabagabeeyeen.