Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Sida Uu Yeeli Lahaa Haddi Loo Magacaabo Raysal-Wasaaraha Somaaliya

Wednesday - May 19, 2010

Nairobi - Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa ka hadlay kala-dirista Xukuumadda Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee Soomaaliya.

Prof Buubaa oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu xalay waraysi dheer la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si degen lagu dhameeyo xiisada ka taagan kala dirista Xukuumadda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya, wuxuuna jawaab ka bixiyay waxa u qorshaysan haddii loo magacaabo xilka Raysal-wasaarenimo ee dawladda TFG.

Waxa kale oo uu ka hadlay doorashada Madaxtooyada Somaliland ee loo muddeeyay 26 bisha soo socota ee June, doorka Somaliland ku yeelan karto xalinta mushkiladaha ragaadiyay Koonfurta Soomaaliya iyo baaqashada xuska 18 May oo aan shalay loo dabaal-degin. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa, waxa uu u dhacay sidan;

Ogaal: Ugu horayn, maxay tahay aragtidaada ku saabsan kala dirista Xukuumadda Soomaaliiya?

Buubaa: Runtii, marka la eego kala diristeeda maalin dhawayd oo idaacadda Codka Maraykanku (VOA) I waraysatay waxaan idhi, waa arrin waqtigeedii soo dhaaftay oo horeba in loogu dhawaaqo ay ahayd. Laakiin, qaabka loogu dhawaaqaa waa inuu noqdaa mid waafaqsan qaabka dawladda loo kala diro, taasna kollayba waa in Baarlamaanka la keeno Mooshin odhanaya ‘Xukuumadda hala kala diro’. Laakiin, sidaan horeba u sheegay Xukuumaddani intii ay jirtay wax sidaas ah oo mudan may qaban, wax cusub ama laga sugayaana way iska yar yihiin.

Ogaal: Markaa kala-diristeeda qaanuunka looma marin baad leedahay miyaa?

Buubaa: Waa in loo maraa. Madaxweynuhu hadda wuxuu yidhi ‘Raysal-wasaare cusub baan magacaabayaa’, laakiin kolka uu magacaabayaa waa marka uu ka hore waayo aqlabayadii loo baahnaa ee Baarlamaanka. Markaa waxa lagama maarmaan ah in Madaxweynuhu talaabooyinkii loo baahnaa ee waafaqsanaa Sharciga uu arrinta mariyo. Xaq buu u leeyahay inuu Raysal-wasaare cusub magacaabo, laakiin dariiqa ay tahay in loo maro waa inuu mariyaa.

Ogaal: Ma Baarlamaanku uma codayn baad leedahay kala dirista Xukuumadda?

Buubaa: Arrimahaasi waa kuwo uu Baarlamaanku odhan karo ‘haa, waa la codeeyay.’ Waanu ogsoonahay oo dad baa Baarlamaanka dhexdiisa arrintaa dood ka keenay, waxyaabahaasna si xafiif ah oo degen baa loo soo afjari karaa, waxaana weeye in Baarlamaankii inta la fadhiisiyo oo la isla eego codkii dhacay sidaas maaha, haddii sidaas yahayna uu ku socdo, haddii loo baahdo cod cusubna loo qaado. Aniga waxay ila tahay in arrintu aanay ahayn mid sidaa u culus, haddii aan la doonaynin in arrimaha la qaso mooyee, cidii doonaysa inay qasto. Laakiin, aniga waxay ila tahay arrin si caadi ah oo xafiif ah loo dhamayn karo.

Ogaal: Ma waxaad ku talinaysaa in lagu celiyo codka la sheegay in Baarlamaanka TFG u qaaday Xukuumadda Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke?

Buubaa: Baarlamaankaa xaq u leh inuu yidhaahdo halagu celiyo iyo yaan lagu celinin, tii horaa dhan ee ma mid cusub baynu u baahanay? Laakiin, kolay waxa lagama maarmaan noqonaysa in Baarlamaanku arrintaa isku raaco.

Ogaal: Prof Buubaa, maxay tahay aragtidaada ku saabsan hadalka Raysal-wasaaraha ee ku saabsan in Xukuumaddu aanay dhicin?

Buubaa: Waan maqlayay, laakiin isagu wuxuu ka hadlayaa waa dhinacii Distoorka oo uu leeyahay hala I mariyo Distoorku siduu odhanayo oo tiqada hadii aan waayayo aan ku waayo siduu qaanuunku dhigayo. Laakiin, kolay waxa meesha ka muuqata in muddo ahba isqabqabsi iyo shaqo-xumo, tanina maaha mid Xukuumadda, Madaxweynaha ama Baarlamaanka magac ku keenaysa, waana mid kollayba Caalamku la yaabi doono oo la odhan doono waa maxay dadka habeen iyo maalin is haystaa?. Markaa waxay ahayd in Madaxweynuhu si xafiif ah u yidhaahdo, ‘waxaan jeclahay in Baarlamaanku arrintaa uu si wanaagsan u dhamaystiro.’ Laakiin, waxa laga yaabaa in Madaxweynuhu cuskanayo hadalkii uu jeediyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka – Aadan Madoobe ee uu yidhi ‘cod baa dhacay oo sidaas bay ku dhamaatay’. Balse, arrintaasi waxay u baahan tahay uun in si wanaagsan loo xaqiijiyo, waxayna u taalaa Baarlamaanku siduu ka yeeli doono.

Ogaal: Waa sidee xidhiidhka xilligan ee adiga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif?

Buubaa: Anigu Xukuumad ka mid ma ahi, Baarlamaanka kama mid ahi. Xukuumad Soomaaliya oo hagaagsan oo shaqaynaysa waan jecelahay inay jirto, laakiin wax wada shaqayn ah oo na dhexmartayna ma jirto, aniguna imika arrimahaa dibaddaaban ka ahay.

Ogaal: Markaa xidhiidh dhaw oo toos ahi idiinma dhexeeyo adiga iyo Sheekh Shariif miyaa?

Buubaa: Maya. Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Abas-guul meelna ma wada joogo, warna iskuma seegana’, markaa xidhiidh guud waa la iska warhayaa, laakiin wax gaar ah oo xidhiidh ah oo naga dhexeeyay ma jirin.

Ogaal: Ismaaciil, haddii Xukuumaddani sidaa ku dhacdo oo adiga laguu magacaabo Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ma aqbalaysaa jagadaa?

Buubaa: Waxay noqonaysaa inaan kala tashado dad fara badan oo siyaasiyiin ah oo aanu isku xidhanahay, gaar ahaan anigu muddooyinkan dambe waxaan u arkayay qaaciidad balaadhan oo umadda Soomaaliyeed midaysaa inay jirto oo dhinaca Ahlusuna-Waljamaaca ah. Markaa waxani maaha wax qof gaar ah la siinayee, waa wax u baahan siyaasad iyo qaaciido balaadhan iyo marjaciyad, markaa ma jecli inaan arrintaa ka hor dhaco.