Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Anigaa Kaa Fiican .. Anigaa Idin Ka Fiican .. Waa Bilawga Mushkillada .. By Hussein Sulub Jaamac

Friday - May 21, 2010

Aniga kaa ka fiican,anaga kuwaa ka fiican,anagaa xaq u leh,anaga naxukumimaayaan,anagaa xukumayna, anaga naqabsan maayaan,Qabiilkayaga ayaa ka badan kooda, waa Laan gaab .. waa meesha mushkiladu ka bilaabanto waxaa jira caadooyin xun oo Dadka qaar aaminsan yihiin kuwaas oo keenay in waxba lawada qabsan waayo oo xitaa lagu heshiin waayo in meel Ceel yar laga wada  qoto,  hadaad Walaalka ka aaminsan tahay fikrad qaldan ama uu ku hayo Cudur islaweyni ah ama Damac oo isna ah Cudur kale oo Qofka  ay ku dhacdo ku keenaya in uu raadiyo waxa uu u baahan yahay wax ka badan, taas oo keenta  in Qofka marka ay ku filaan waayaan wixii uu haystay ay ku kalifto in uu  wax isadba mariyo si uu u gaadho meeshaa uu rabo, sideed wax ula wadaagi kartaa horta bal u ogalaw in uu kula siman yahay si aad u heshiisaan,Qofka Xadaarad leh ayaa Taariikh abuura Sinaanta macnaheedu maha waxkasta waan ka simanahay ilaahay ayaa binu'aadamka waxyaalo badan ku kala duway lakiin Sinaan hadaan si kale u fasiro, waxa weeye waan u simanahay waxyaalo badan sida, Fursadaha,Xuquuqda,Shaqda,Sharciga waxyaalo badana waan ku kala duwan nahay sida Caqliga,Jidhka,midbka,Maalka,Caruurta.

Hadaba akhristo  Qisadan yar dhugu .. sadex Jeer ayaa baadhitan lagu sameyay mid waxaa laga xadida Cuntadada, midna inyar ayaa laga siiyay, kii sadexaad waa loo wada fasaxay,  kii loo wada fasaxay waxaa la ogaaday in ay dhibato u keentay habakii ay Maskaxdu u shaqaynaysay ayay wax ka badeshay taas oo ay ku keentay in ay markasta wax Cunaan xataa haday dharagsan yihiin Sonkorta cad iyo Kofiintu isku si ayay u saameeyaan maskaxda  qaybta dareenka fiican, Dadka qabatima Dareenka fiican siday ku heli lahaayeen, waxa ay doonayaan in ay raadiyaan marwalba waxa keena dareenka fiican,markaa Dadku way ku kala duwan yihiin meelaha ay sharafta iyo wanaaga ka raadinyaan,hadaba Cudurkan marka uu kugu dhaco waxaad sharaf ka raadinaysaa in aad isku eekaysiisida sida ay Dadka kale yihiin, waxaa Noloshaada saamayn ku leh Dadka kale Noloshooda.

Dad fara badan waxa ay Noloshoodii ku dhiseen Nolosha Dadka kale .. runtii taasna maha mid deganaan kuu keenaysa ama xaqiiqa ah, hadaad Noloshaada ku dul dhisto nolosha Dadka kale dhib ayaa ku haysata waxa laga yaabaa in aad deyn badan gasho sidaad isku leedahay maxaa lagu oran ama side ayaa laguu arki, ayaa waxaa kugu dhacaya kalsooni la'an Nolosha aad markaa ku Nooshahayna maha mid xaqiiqa ah wa mid dhalanteed ah, waxa  faraxd ah  ka helimaysid, hadaba walaalayaal waxaa, Tusaale ingoo filana Nebigeenii Suubanaa naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, hadaan rabo in aan  cid ku dayano aan ku dayano isga ayaa ah cid lagu daydo ka ugu fiican ee aan ku dayno ajar iyo xasanad  ayaan ka helayamaa aakhiro iyo aduunba waan ku liibaanaynaa,mar hadaad jidka ale ku taagan tahay cidii kugu nacaysaa hakugu nacdo waxba kuu tarimayso in aad binu-adam ka cabsato ilaahayna ka cabsan waydo ama aad binu-aadamka farxad galiso ilaahayna ka cadhaysiisid, isku day markasta in aad ilaahay raali galiso binu aadamka ma raali galin kartid ee yaanay kaa dhamayn Lacagta,waqtiga,xooga, iyo Caqligaba, gali meel ku haboon oo u qalanta oo ku anfacda Aakhiro iyo Aduunba ..Walaal Hussein Sulub Jama