Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Khamaarka Baarlamaanka Ka Socda Oo Doonaya Iney Xil Kula Kufaan Gudoomiye Aan Xil Qaadi-karin

Sunday - May 23, 2010

Mogadisho : Makhluuqa ilaahay fara badanaa oo noocyadiisu kala duwana .. markaad aragto raga baarlamaanka dhex fadhiya ayaad candhuuftaada dib u liqeysa .. sidaa waxaa yiri goob jooga shiirkaas noga soo waramay.

ilaa iyo shalay waxaa xildhibaanada ka dhex socday doodo loogu gogol xaarayo in la doorto gudoomiye cusub oo la doonayo in laga soo dhex xulo beesha Digl Iyo Mirifle oo iyagu jaagadaas afgarasho ahaan iyo sharci ahaanba loo qoondeeyey. laakiin intaan la isla gaarin doorasho iyo magacwo ka dhacda baarlamaanka ayaad mooda durbaba in sharcigi la khilaafay oo aan laga baran qaladki shalay uu galay Shiikh Shariif Ee uu ku casilay ina Cabdi-rashiid, waxaana iminka xoogeystay fikirka oranaaya jagada waa inu sharci ahaan uu baarlamaanka sii maareeyaa guddomiya ku xigeenkii kowaad ee baarlamaanka Xildhibaan Dalxa.

Waxaana fikirkaas qaba xildhibaano fara badan oo is aruursaday, cidiyahana ku dagaalamaya uuna ka mid yahay Mr. Axmed Nuur Maxamed Tarsan oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG oo isagu ka soo horjeestay magacaabista gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee baarlamaanka, isagoona dhaliilo soo jeediyay laga galay dastuurka iyo xeerka uu yaala baarlamaanka.

Xildhibaan Tarsan ayaa wuxuu sheegay in ay sharci darro tahay inuu baarlamaanka gudoomiyo shaqsi aan aheyn gudoomiye ku xigeenkii baarlamaanka, waxuuna tilmaamay in wixi halkaan waa baarlamaanka ka sii baxa aysan noqondoonin sharci lagu dhaqmo

Wuxuu taageeray Prof. Dalxa in uu noqdo gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka ilaa laga dooranayo gudoomiye cusub, taasina wuxuu sheegay sharciga baarlamaanka inuu dhigayo.

Wuxuu xusay xildhibaan Tarsan inuu is casilay Sh. Aadan Madoobe loona baahan yahay sharci ahaan in uu gudoonka la wareego Prof. Dalxa.

Wararka ayaa intaa raacinaya in xildhibaanada halkaas isugu yimid ay yihiin kuwa baab allaale baab ay garanayaan ama laga sugaayo aaney jirin iyo wax ay micneynayaan , mana muuqato ayey yiraahdeen rajo ka soo socota oo ay ku doortaan gudoomiye munaasab ku ah xilkaas.