Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Amiirka Oodaha Miranaaya Al-Shabaab Axmed Godane Oo Xanaf Iyo Xanuun La Damacsan Doorashada S/ Land

Monday - May 24, 2010

Iyada oo ololaha doorashooyinka Somaliland ay socdaan ayaa waxaa kooxda hubeysan ee Alshabaab ay damacsan tahay in ay qaraxyo iyo qarbudaad ka fuliyaan magaalooyinka Somaliland, inta lagu gudo jiro xiliga doorashooyinka oo maalmo uun ay ka harsan yihiin sida lagu helay xog muhiim ah.

Sagaal  nin oo ka soo jeedo  Gobalada Waqooyi ee Somaliland  hase yeeshee  bilihii u dambeeyey tababaro ku qaadanayey Xero ku taalo Gobalka Bay ayaa waxaa u soo dhamaaday tabarkoodii ay siinayeen saraakiil isugu jirto somali iyo ajaanib oo ka wada tirsan  Al-shabaab, waxaana gunaanadka tababarkoodu halkaasi loogu soo jeediyey dardaaran iyo guubaabo.

Kooxdan dhalinyarada ah ayaa waxa illo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ay safar dhinaca dhulka ah ku galeen Somaliland,  iyaga oo sida la sheegay isu kala qeybiyey Gobalada iyo goobaha Muhiimka ah oo ay doorashooyinka ka dhici doonaan, waxaana bartilmaameedka  kooxdan la sheegay in ay tahay sidii ay u toogan lahaayeen ama u qarxin lahaayeen goobjoogayaasha caalamiga ah iyo Madaxda Xisbiyada ee tartameysa.

ka hor intii aysan ka soo safrin Koofurta Soomaaliya -Gobolka Bay , ragani naftood hurayaasha ah ayaa waxa ay duubeen Cajalado maqal iyo muuqaal ah oo  ay ku cadeeynayaan ujeedada socdaalkooda iyo howlaha  ay ka soo qaban doonaan Somaliland, waxaana halkaasi ugu duceeyey Amiirka Alshabaab Axmed Godane  oo loo yaqaano Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

Sagaalkan Nin ayaa la sheegay in ay heyb ahaan ka soo jeedaan Gobalada  Jamhuuriyada Somaliland, waxaana  ay  deegaanadooda ka soo tageen laba sano ka hor, qaarkod  waxa ay  ahaayeen arday, halka kuwo kalana ay ahaayeen kuwo reero leh, mana la oga in ay amarada loo soo dhiibay fulin doonaan iyo in kale.

Jamhuuriyada la baxday Somaliland ayaa waxa ay ku talaabsatay horumar baaxad leh, waxa ay heer sare ka gaartay dhinaca nabada iyo dimiqoraadiyada, iminka  waxa ay u diyaargaroobayaan  sidii ay u dooran lahaayeen Madaxweynaha xiligan kala guurka ah, hasa ahaate lama xusin sida ay hortagidoonaan khatartaas la sheegay ee ay rabto in ay ku talaabsato Al-shabaab