Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Sharif Sakin Waxuu Soo Gurguurtaba Xamaarto Kolba Dhinac Soo Dhigtaba Waxuu Marooqsanaya Afayeen

Tuesday - May 25, 2010

Adoonyada nin noolow maxa aragti kuu laaban .. Waqti walba waayihiis .. dhacdo walba xusuusteed .. Taariikh waliba haraageed .. Dharaar waliba haynteed .. Hadal waliba meeshi .. Waxaa bishan 28-deeda nagu soo aadan sheekadi ahayd ninba ceesaanti ceel keen oo afayeenkii baarlamaanka lagu dooranaayo , waxaana mooda xildhbaanada ku sheegta iney markaan gacmahooda ku sitaan sababihi ay ku bixi-lahaayeen oo wadaadkii dililahaa waa shariif Sakiine ayey cod siin-doonaan biishaas cayiman, taaso mustaqbalka sida la qiyaasayo keeni-doonta in bulshada Somaali iyo beesha caalamka ay si wada jira baarlamaankaba uu kala diri-doonaan, talo xumidooda awgeed, waayo qalad baa qalad lagu saxayaa

Shariif Sakiin waxuu soo gurguurtaba, kolba dhinac soo dhigtaba uu soo xamaartaba ,soo galgasho oo uu rafto, waxuu duufaan ku hafto, abraaraba jeceylkii ooda ayuu soo jebiyey almatara ayuu maanta soo dhaafi, waakaas tuurtiisi maanta dibu habeyn ku sameystay oo farsamadiisi wadaanta ceelka ku tuurtay, wadaanti biyaha ee soo qaadaeysey gudoonka baarlamaanka , sida uu u balanqaaday inta badan xubnaha, Darka ayeey sidi biyaha doolar uga cabi-doonaan , waxuuna sugaya iney uu qaadaan heesta .. Haa Haa Geesiga Dalkiisa Guusha U Horseeda Geerida Dishay Geedkaa Ha Ba'o, sida uu xuseyna waxuu yiri wixii caleema-saarkeyga ka horyimaadana Aabahood bey fuudka la cabidoonaan

Maalinkasta oo ku soo marta waxay kaga tagta xasuus iyo taariikh gaar ah, farxad iyo murugo mid uun, masuul kastana waxuu qabto taariikhda ayaa xusta sido kalana haduu wax qaloociyana waa la xusin, sidaa daraadeed ma rabo inaan ku dheeraado sidi dad badani ay uu daba-yaaceen, loo kool-kooli-naayey, daba orodka ay qaar kabaha u qaadeen cidiyaha ugu dagaalameen wadaadkaas Shariif Sakiin waqtiyadi ay is huruufeen Cabdullaahi Yuusuf oo Shariifka lagu tilmaamay Qof aad uu weyn oo wax kala garanaaya, dalkana samatabixin-doona, illaa ay dipolmaasiyiinti beesha caalamka ay yiraahdeen war Ninkaani weyni Talow ma suldaankii ilaahay uu xilsaaray bani'aadamka miyaa ... Waxaase yaaba oo in la xuso ay tahay in dadkaas sida waalan uu taageeray wey Ogaa-yeen Wadadkaas waxa u ku sifeysan yahay oo ujeedadoodu waxay ahayd ha la ba'o .. Shariif Sakiin Garasho hor ilaahay buu ka taaganyahay .. Aqoon haba sheegin .. Dadnimo waa ka dibada, boobka xoolaha dadweynaha uu ku indha adagyahay, laakiin dhibaatadu waxay ka sii dartay marku isagu isu qaatay in uu yahay Ruux muhim ah oo xilkii waagi lagula ku kufay uu qaatay inu markasta geyo'e .. dadka ayaa la yaaba Shariif Sakiin markay la kulmaan oo erey afkiisa ka soo baxo sida ay sheegeen baad ka quusaneysa oo markaas baad waxaad oraneysa ' ma waxaan buu Shariifku la afuufnaa" .. Shariif Sakiin dalka meesha uu maraayo waa ninka gaarsiiyey oo naar ayuu intaa afuufaya, xoolihi ummaddana dhacay .. haddu damiir leeyahay waa is-qarinlahaa ee waa goof maran oo ma garankaro inuba qalad galay ileen waa wax ay afuuftay BBC iyo kuwa la mida .. arinta si kastaba ha noqote biishaan 28-deedeeda aya qorshaha ah inu baarlamaanka ka noqdo afayeen oo dabadeed isaga iyo Shiikh Shariif ay halkoodi ka wadaan darandooriga iyo afduubki lagu yiqiinay iyagoo falsafadoodu kowaad tahay iney waqti kooban ay xilka kaga xayuubiyaan Ina Cabdi-rashiid oo ku badalaan mid la qawleysta oo noocooda ah , waloow sida odoraska la sheegayo Walad Cabdala uu dhinciisa mid kale oo la shaqeeya wax u xoq xoqaayo.

Bulshada soomaali oo labaatan sano isku buuqsaneyd hadal haysana warka ka socda baarlamaanka ayaa ka goys haysta xilka loo wado Shariif Sakiin oo ay leeyihiin Aloow Qaawane " waa yeeke" ha nagu soo deyn