Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Obama " Afrika Uma Baahna Rag Awood Badan, Waxay U Baahantahay hay'addo Adag

Wednesday - May 26, 2010

Obama: Afrika Uma Baahna Rag Awood Badan, Waxay u baahantahay Hay'addo Ad-adag...Cidna Doonimayso In Ay Ku Noolaato Meel Nidaamka Sharciga Bulshadu Uu Ogolyahay In Lagu Maamulo Arxandaro Iyo Musuqmaasuq. 
West Point, America : Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr.Barack Obama oo la hadlayey 1000 arday oo ka qalin-jabiyey Kuliyadda Ciidanka Qalabka-sida ee West Point ayaa shaaca ka qaaday in ay tahay in dalka Maraykanka uu aduunka ka dhaliyo kala danbeyn.

Obama ayaa daaha ka qaaday arragtida mustaqbalka siyaasadda arrimaha debadda ee dowladda Maraykanka, taas oo ka bedelnaandoonta tii uu ka tagay madaxweynihii isaga ka horeeyey Mr.George W. Bush ee ku dhisnayd go'doonka-siyaasiga ah..

Ardaydan oo qaar badan oo ka mid ah ay ka howlgali doonaan dalalka Iraq iyo Afghanistan ayuu Obama u sheegay sida loogu baahanyahay in ay qaybtooda uga qaataan xal u helista khatarta cusub ee aduunka: argagixisada, faafidda hubka halista ah, isbadalka cimillada aduunka iyo quudinta iyo daryeelka tiradda sii kordheysa ee Dunida.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in ciidanka qalabka-sida ee Maraykan-ku ay "Aas-aas u yihiin difaaca qaranka" Maraykan-ka, laakiin wuxuu intaa raaciyey in ragga iyo dumarka labisan tuutaha ciidanka aanay kaligood masuuliyaddaa qaadi karin ee ay tahay in inta kalena ay qaybtooda qaadato.

Obama ayaa farta ku fiiqay daldalloolada nidaamka caalamka, isaga oo sheegay in ay dowladdiisa fahansantahay, balse "aanay ka baxayn iskaashiga haatan."

Obama ayaa ballanqaaday in uu wax badan ka qaban doono dib u soo celinta qadarintii uu Maraykan-ku ku lahaa caalamka, isaga oo sheegay in uu taas ku keeni doono abuurista xulufooyin cusub, xoojinta saxiibadi hore si loo dhaliyo nidaam caalami ah iyo hay'addo ad-adag.

Obama ayaa tan iyo intii uu noqday madaxweynaha dalka Maraykan-ka waxay shacabka caalamka ee aan dalalkoodu ka jirin dimoqradiyadda, gaar ahaana kuwa qaaradda Afrika, u hanqal taagayeen isbadal dhaxalgal ah iyo dimoqradiyad ka curata dalalkooda.

Obama ayaa shacabka qaaradda Afrika ka farxiyey sanadki hore, kadib markii uu qudbad dheer oo uu ka jeediyey baarlamaanka dalka Ghana ku yidhi "Afrika uma baahna rag awood badan, waxay u baahantahay hay'addo ad-adag....Cidna doonimeyso inay ku noolaato meel nidaamka sharciga bulshada uu ogolyahay in lagu maamulo arxandaro iyo masuqmaasuq. Taas dimoqradiyad maaha ee waa amar-ku-taagleyn."

Obama wuxuu sheegay in ay dowladda Maraykan-ku baadigoobi-doonto qorshe qaran oo dib loo cusbooneysiiyey iyo hogaanka aduunka oo ay la wada jaan-qaada.

By: Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.