Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - May 27, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Hanuuninta Mid ka mida .. Ku Soo Dhawaada Iyo Ujeeddo Casharka Maanta: Qiiso Wanaagsan Oo Dhex Martay Macallin Caalim ah Iyo Ardadiisa Mid ka Mida Oo cilmigi Uu Baranaayey 30 sano ku soo koobay 8 qodob oo kaliya Isagoo Wax u dhaafa aysan jirin 

              --------------------------------------------------------------------------------------------

Aniga oo ku bilaabayaa magaca Allah iyo Saliga Suubanaha Mohamed NNK ha ahaato, Jimcahan waxaan doorbiday inaan mar kale idiinsoo bandhigo maqaal aan horay u qoray oo ku saabsanaa iswareysi dhex maray Arday Cilmidoon ah iyo sheekhii macalinkiisa ahaa ee cilmiga uu ka korodsanayay, sababta oo ah markaan arkay xaalada siyaasadeed ee dalkii hooyo halkuu marayo, dadkii laga sugayay iney markabka badbaadada ku caariyaan Xeeb barwaaqo,nabad, xasilooni iyo horumar; sidaa darteed waxa xikmadu ku jirtaa in qofkasta oo inaga mid ah oo doonaya guusha dunida iyo mida aakhiro ku daydo ardaygan, sidan buu ku bilowday iswareysigii:
 
Ninkii Caalinka ahaa ayaa weydiiyay ardaygii Cilmi doonka ahaa oo ku yiri: Imisa sano baad ila socotay?  Ardaygii baa ku jawaabay mudo gaareysa sadex iyo sodon sano (33 sano), macalinkii baa markaa weydiiyay ardaygii, mudadan aad ila socotay maxaad iga korodsatay oo aad baratay? Ardaygii baa markaa ku jawaabay sideed arimood baan korodsaday oo bartay, macalinkii oo la yaabay ardaygiisa baa ku dhawaaqay "Inaa Lillahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun" wuxuu ku yiri ardaygii: "Cimrigeyga intiisi badneyd baad qaadatay oo ila socotay, 33 sano miyaadan iga baran ilaa sideed arimood oo qura" Ardaygii markaa wuxuu ku yiri macalinkiisi, macalinow intaa waxaan aheyn kaama baran beentana inaan sheego ma jecli, macalinkii baa markaa kadib ku yiri ardaygiisi soodaa waxaad baratay bal aan maqlee, Ardaygii baa markaa ku bilaabay:
1)- Waxaan eegay abuurista Allah, waxaan arkay in mid waliba uu jecel yahay shey (maal, caruur, dumar, jago iyo darajo, ama wixii kaloo la mid ah), marka ajashu dhamaato oo tii Allah u timaado oo qabri la gesho wuxuu ka tagaa wixii uu jeclaa, Aniga waxaan jeclaa waxaan ka yeeshay camalka waanaagsan iyo khayrka inaan falo, si markaan galo qabriga camalkeyga wanaagsan ii raaco oo wehel iigu noqdo qabriga.
2)- Waxaan eegay Allah qowlkiisa oranaya " Wa Amaaman Khaafa Maqaama Rabihi, Wa Naha Nafsa Canil Hawa Fa' Inal Jannata Hiyal Ma'waa", markaa kabib waxaan ku dadaalay sidaan nafteyda uga reebi lahaa (mala awaalka) ama (maala yacniga) oo ay ugu toosi laheyd iney sameyso Allah wuxuu faray ka fogaado wuxuu iiga digay.
3)- Waxaan Arkay abuurista Allah, waxaan gartay in qofkasta oo heysta wax qaali ah ama qiimo leh inuu ilaaliyo ama dhowro si aysan farahiisa uga bixin ama u lumin, markaa kadib waxaan xusuustay Allah qowlkiisa " Maa Cindakum Yanfad, Wa Maa Cindallah Baaq", markaa kadib, Wixii qiimo leh ee gacanteyda soo gala waxaan u hormarsaday xaga Allah, si aysan iiga lumin oo ay baaqi iigu noqoto Allah agtiisa. 
4)-  Waxaan Arkay umadaha Allah abuuray in qofba wax ku faano, maalkiisa ama qabiilkiisa ama qabiilka iyo dalka uu ka dhashay, markaa kadib waxaan xusuustay qowlka Allah oo oranaya "Inna Akramakum Cindallahi Atqaakum" Allah xagii waxa idiinku karaama ama sharaf badan midka idiinku badan Allah Cabsidii, markaa waxaan sahay ka yeeshay Allah cabsidii si Allah xagiisa qog karaama iyo qiimo leh uga noqdo.
5)- Waxaan arkay umada Allah abuuray oo ku masquul noqotay laqdabo iyo lugooyo dhexdooda ah, waxaan gartay in XASADKU sabab u yahay, waxaan xusuustay Allah qowlkiisa "Naxnu Qasamnaa Beynahum Maciishatahum Fil Xayaati Dunyaa", markaa waxaan iska daayay Xasadka iyo Xumaha, waxaan ku qancay in Allah uu u qeybsho dadka deeqdiisa qofkastana wixii loo qoray mooyee wax ka badan uusan heleyn.
6)- Waxaan u fiirsaday Adoomada Allah oo isku xad gudbaya oo is dulminaya oo isu caroonaya oo is dilaya sabab la'aan, waxaan xusuustay Allah Qowlkiisa "Ina sheydhaana Lakum Caduwun, Fatakhiduuhu Caduwaa", Sheydaanka waa idiin Cadow ee Cadow ka yeesha, Waxaan markaa iska daayay inaa cadownimo u qaado adoomada Allah, waxaan cadow ka yeeshay Sheydaanka keligii.
7)- Waxaan u kuur galay adoomada Allah, waxaan arkay in mid walba uu jirabay naftiisa oo marar badan meel xun ay la geleyso iyo wixii Allah Xarimay si risqi uu u kasbo, waxaan xusuustay Allah qowlkiisa " Wa Maa Min Daabatin Fil Ardhi Ilaa Calallahi Risquhaa", Waxaan ogaaday inaan ka mid ahay daabadahaa, waxaan markaa nafteyda ku mashquuliyay wixii Allah iga doonayo, wixii Allah ii ballan qaaday isagaan u daayay.
8)- Waxaan fiirshay adoomada Allah waxaan arkay in mid walba uu talada saarto wax Allah abuuray sidiisa oo kale, mid maalkiisa ku tala gala, iyo mid ku tala gala guurtada iyo mid ku tala gala caafiaadkiisa, iyo mid ku tala gala jagadiisa, markaa waxaan xusuustay Allah Qowlkiisa " Wa Man Yatawakal Calallah Fahuwa Xasbuhu", Waxaan iska daayay inaan Allah mooye cid kale ama waxkale aanTalo saarto.
Macalinkii markuu maqlay xikmada ku jirta hadalada ardaygiisa, wuxuu ku yiri macalinkii ardaygiisa Allah hakuu barakeeyo Cilmiga aad baratay oo hakaa yeelo mid ku anfaca dadkana gaarsiiya.
 
Allow waxaan kaa barinay inaad nasiiso cilmi na'anfaca aduunka iyo aakhiro, waxaad na bartana noo barakee oo nooga yeel mid aan ku kasbano Jannadaada Firdowsa ee sare. Rabbiyo umadaada u naxariiso oo talada ugu dhiib kuwa kaa baqa jidkaaga toosan heysta xaqana ku dadaala (Aamiin).
 
Hadaan asiibay waa Allah mahadii, hadaan gefay waa sheydaanka iyo camalkiisa.
 
Al Amin, Abu Yusuf