Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Gabar Ku Gama'day Diyaarad Gudaheed Oo Dacweyneysa Shirkadi Diyaarada

Friday - May 28, 2010

America - Philadelphia: Gabar u dhalatay Ferndale- Michigan ayaa dacweyneysa shirkada diyaaradaha ee United Airlines kadib markii lagaga dhex tegay diyaarada iyadoo gama'san saacdo ka dib markay soo cagadhigatay diyaaradi.

Ginger McGuire waxay ka soo raacday Washington DC, diyaaradda ay leedahay shirkada United Express waxaanay ku socotay Philadelphia. Waxay tri; waan gama'y intaan diyaaradda soo saarnaa.. dayaarada Waxay soo cagadhigatay wakhti dambe saqdii dhexe ee habeenkii salaasada, qofna iskuma deyin inuu ka toosiyo hurdada ilaa ay soo heleen shaqaalihii diyaaradda nadiifinaayey afar saacadood kabacdi.

McGuire waxay wariyaasha u sheegtay “Aniga diyaarada waan ku gama'y iyadoon diyaarada cidina saarneyn 4:00am.

Shirkada United Airline ayaa cadeeysey iney ka shaqeyn-doonaan sababaha ay ku dhacday in aan la hubinin diyaaradda ka dib markay soo cagadhigatay inay cid saaran tahay iyo in kale.

Mcguire waxay shaqo gelisay looyarka Geoffery Fieger isagoo xareynaaya dhacwad sharciya oo uu ku eedeynaayo shirkada United Airlines, waxaana shirkada lagu dacweyndoonaa qiiradii welwelka iyo walbaarka laheyd iyo dayacii loga tegay diyaarada.