Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Faransiiska Oo Ka Codsaday Somaaliland Iney Xabsiga Ka Si Daayaan Rag Ka Tirsan Al-Shabaab

Sunday - May 30, 2010

Wara aan ka xiganay Wargeyska Haatuf Ee ka soo baxa carigaas Somaaliland ayaa bogaiisa Newska ku Xusay in Dawladda Faransiiska Ay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ka dalbatay inuu xabsiga ka sii daayo qaar ka mid ah rag Somaliland ugu xiran falal Argagixiso-nimo, si loogu bedelo Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Faransiiska oo Ururka Al-Shabaab ay ku qafaasheen magaalada Muqdisho bartimihii sanadkii 2009 ilaa haatana ay ururkaasi maxbuus ahaan u haystaan.

Siday ilo lagu kalsoonyahay oo fadhigoodu yahay Yurubta Galbeed ay Haatuf uga warameen, Dawladda Faransiisku waxay codsigeedan Madaxweynaha Somaliland u soo bandhigtay mar uu dhawaan safar ku tagay caasimada Faransiiska ee Paris.

Hasa yeeshee siday ilahaasi sheegeen, Madaxweyne Rayaale wuu diiday codsigaasi ay dawwladda Faransiisku ku doonaysay in sarkaalkooda ay Al-Shabaab afduubka ku haystaan loogu bedelo qaar ka mid ah rag ay Maxkamaddaha Somaliland ku heleen inay dalkan ka dhex fuliyeen falal Argagixso ah muddadii u dhaxaysay 2002 ilaa 2008.

Sarkaalkan la doonayo in raga Argagixisada ah lagu furto ayaa isaga iyo sarkaal kale oo Faransiis ah la sheegay in kooxda Al-shabaab ay labadoodaba ka ka xaysteen Hotel Saxafi oo ku yaala Muqdisho Bishii July 2009.

Haddaba sarkaalkan gacnta ugu jira Al-shabaab mooyaane kii kale ayaa isagu sidda la sheegay hore uga fakaday nimankii haystay, waxaanu isaga oo badqaba soo gaaray meel ay degenaayeen ciidamada xukuumadda Sheekh Shariif ee xiligaa Xamar ku sugnaa, inkasta oo ay markii dambe soo baxeen warar oranayey waxa ninkaa lagu soo daayey lacag madaxfurasho ah oo ay dawladda Faransiisku siisay kooxdii qafaalatay.

Labada Sarkaal ayaa sidda la sheegay markoodii hore Suxufi nimo ku tagay Muqdhso.

Laakin markii ay muddo Afduubnaayeen ayay dawladda Faransiisku ay ku tilmaantay inay ahaayeen laba Sarkaal oo dawladda Sheekh Shariif kala talinayey dhinaca Amniga.

Hasa yeeshee waxa soo shaac baxay in labada nin markii la qafaashayay ku hawlanaayeen arimo la xiriira Basaasnimo.

Ma kala cadda ilaa hadda in ururka Al-shabaab ay sii-daynta Sarkaalka Faransiiska ah ee ay wali gacanta ku hayaan ku xireen maxaabiista kaga jirta jeelasha Somaliland oo la soo daayo iyo in kale.

Balse sida ay ilahaa kor ku xusani ay Haatuf u sheegeen, dawladda Faransiisku kumay dhirateen inay Somaliland ula timaado codsiga noocan oo kale ah, haddii aanay fariin tilmaameed ka haysan ururka Al-shabaab.

Waxay ahayd todobaadkii hore markii ay reer Somalialnd ku baraarugeen warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu Mr. Rayaale ku sheegayey in uu diiday wax uu ugu yeeray Cadaadis beesha Caalamka kaga yimid markii uu ku sugnaa Safar uu dhawaan ku tagay Yurubta Galbeed, kaas oo ay ku doonayeen in uu sii daayo maxaabiista Argagixsinimada ugu xiran Somaliland.

Warkan oo aan lagu cadayn cidda uu madaxweynuhu ula jeeday inay ka dambeeyeen Cadaadiskaasi iyo sababta loo saarayey toona, markii uu soo baxay warkani waxa uu jahawareer ku riday dadweynaha, iyaga oo dadka qaarna ay meelo kala duwan u kala fasireen.

Falalkan Argagixisada ah waxa lagu dilay Shaqaale Ajnabi ah oo ka shaqayn jiray hawlaha bini’aadanimo, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen haweenayda Annelina Tonelli oo lagu toogtay cusbitaalkii TB-da ee Boorama Bishii October 2003 iyo Richard Eyeington iyo Afadiisii Enid oo ahaa laba macalin oo British ah oo lagu dhex dilay gurigooda oo ku yaalay dugsiga Sheekh, waxa kale oo falal noocan oo kale ah lagu dilay ilaa 24 muwaadin oo reer Somaliland ah. Kadib markii qaraxyo lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland, Xaruntii UNDP iyo Xafiiskii Ethiopia ku lahayd Somaliland. 28/October/2008.