Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Suudaan oo Albaabada U Laabtay Xawaaladihi Soomaalida Ee Ku Yiil Khartuum

Monday - May 31, 2010

Khartuum : Wararka ka imaanaya Magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa sheegaya in dowladda Sudan ay albaabada isugu dhufatay qaar ka mid ah Shirkadaha Xaawaladaha eek u yaalay magaalada Khartoum  ee dalka Sudan.

Dowladda Sudan ayaa albaabbada isugu dhufatay xafiisyada Xawaaladaha Amal, Dahabshiil iyo Qaran oo ku yaalla Magaalada Khartoum, kadidb markii lagu eedeeyay inay bixiyeen lacago Dollar ah iyo weliba inay furteen xafiisyo yar-yar oo aanay amar u haysan.

Amar ka soo baxay Dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in la xiro xawaaladaha oo ah kuwo u shaqeeya dadka Soomaalida ah ee halkaas wax ka barta iyo kuwa ka ganacsada, waxaana xarumahaas ay saakay ahaayeen kuwo xiran.

Mas'uuliyiinta Xawaaladaha la xiray ayaa sheegay in sababta loo xiray loo cuskaday inay bixiyeen lacago Dollar ah iyo inay fureen xafiisyo gaara, waxayna sheegeen inay  dhibaato ku tahay Soomaalida ku nool dalka Sudan xariga xawaaladaha.

Wargeys ka soo baxa dalka Sudan oo lagu magacaabo Al-Xaqiiqa oo warkan qoray ayaa sheegay in xarigga Xawaaladaha Somalida loo Isticmaalay sharciyada Bankiga dalkaas, kuwaasoo aan ogoleyn in la bixiyo lacago Dollar ah iyo in lagu shaqeysto goobo laga bixiyo lacagahaas oo aan sharci loo haysan .

Xawaaladaha Somalida ee dalka Sudan ayaa waxay ku mideysan yihiin hal xawaalad oo weyn oo ay leeyihiin dad u dhashay dalka Sudan, waxaana dalkaas ku sugan Somali badan oo wax ka barta, kuwaasoo lacago loogu diro halkaas.

Lama oga inta casho ee ay qaadan karto xarigga Xawaaladahan ku yaalla dalka Sudan iyadoo lagu soo beegay xarigooda oo ay bisha May dhamaatay, loona diri lahaa ardayda iyo dadka kale ee ku nool dalkaas lacagaha masruuf ah oo ay isaga xajiyaan gaajada iyo waxbarashadooda.