Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Burcad -Badeedi Somali Oo Maray Dhabo Uu Daran Iyo Waxay Dani Ugu Jirin Oo Lagu Qabtay Xeebaha Cuman

Wednesday - June 2, 2010

Cuman:-Burcad Badeed Soomaali ah ayaa lagu qabtay Xeebaha Saldana Cumaan xilli ay doonayeen afduubka Dooni maraysay Xeebaha Wadankaasi.

Dooni dagaal oo lagu magacaabo Mabruuka oo laga leeyahay Boqortooyada Cumaan ayaa ku  guulaysatay qabashada 5-Nin oo Burcad Badeed ah kuwasi oo watay dooni Hub uu ka buuxay.

Doonta ay wateen Burcad Badeeda ayaa saacada badan lagu eryanayaayay Xeebaha Saldada Cumaan markii ay isku dayday in ay ka baxsato doonta dagaalka ee dalkaasi laga leeyahay.

Doonta ay wateen Burcada la qabtay ayaa ahayd nuuca dheereeya waxaana muddo ka dib gacanta ku dhigay Doonta dagaalka iyadoo ay rasaas culus is dhaafsaden inta aan la qaban.

Doonta dagaalka Cuman ayaa waxaa ay ku guulaysatay qabashada raggaasi Burcad Badeeda ah waxaana ay gaarayaan raga la haayo 5-nin oo lagu xaqiijiyay in ay yihiin Burcad Badeed.

Sargaal u hadlay Ciidanka Bdada Cumaan ayaa shegay in raggaasi loo dhaadhiciyay Xabsi ay leeyihiin Ciidanka ilaalada Xeebaha dhawaana talaab cad ay ka qaadayaan Ciidamada gacanta ku haya oo Maxkamad la saari doono.

Burcada ayaa mararka qaar Qatar ay soo wajahdaa waxaana si qaldan ay u tagan Biyaha dalalka dhaca gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta taasi oo dhowr jeer sabab ka dhigtay in ay qabtaan Ilaalada Xeebaha Yaman iyo Cumaan