Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Saacada Ugu Weyn Caalamka Oo Laga Dhex Qotominaayo Magaalada Barakeysan Ee Makka

Tuesday - June 15, 2010

Magaalada barakaysan ee Makka waxa marka la gaadho bisha ramadaan ee inagu soo aadan, ka dhex muuqan doona saacada aduunka ugu weyn oo afarteeda jiho Magaca Alle lagu xardhay. Dadka cimraysanaya ayaa saacadahooda ku buuxsan doona saacadan dhulka kor uga saraysa 380 mitir ee afarta jiho ay ka xidhan yihiin afar saacadood oo aad u waaweyn.

Afartan saacadood laba ka mid ah ayaa dhererkoodu uu dhan yahay 80 Meter halka baladhkoodu uu dhan yahay 68 meter, halka labada saacadood oo kala oo hareeraha kaga yaala uu dhererkoodu gaadhayo 60 meter halka baladhkoodu uu yahay 43 meter, waxa kale oo taawarka haya saacadahaas lagu xidhayaa laba lift-di oo kuwa dadku raacaan ah oo dadka dalxiisayaasha ay figta uga baxayaan taawarkaas haya saacadda aduunka ugu weyn ee laga yagleelayo magaalada baraykaysan ee Makka. Waxa sidoo kale, saacadaasi ay noqon doontaa mid la caalamka oo dhan looga aqoonsado inay ka mid tahay goobaha ugu muhimsan ee wakhtiyada laga tixraaco sida London, New York, Paris iyo Tokyo.

Ilaa hadda waxa la dhameeyay saacada qaybteeda waqooyi ee eegaysa dhinaca xaramka, halka lagu guda-jiro dhamaystirka seddex jiho ee kale, kuwaas oo magaalada dibadeeda laga soo arki karo taawarka jooga dheer ee lagu rakibayo awgeed.

Boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Cabdalla bin Cabdilcasiis ayaa amar ku bixiyay mashruucan in la fuliyo taas oo xukuumadiisu ay waqfi ay ku bixisay. Wargeyska dalkaas ka soo baxa ee Al-Wadan oo waraysi la yeeshay maamulaha Hotel ka taawarkan laga dultaagayo ayaa sheegay in saacadani si rasmi ah xadhiga looga jari doono bilawga bisha July ee soo socota, waxaanu xusay in lacagta ku baxaysa dhamaystirka saacadan aduunka ugu weyn ay dhan tahay 3 bilyan oo doolar ... Xigasho Waaheen