Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Gacan Ku Dhiiglayaal Ku Xasuuqay Qoys Somaliyeed Ee South Afrika Oo Madaxaa Ha Ku Furto Lagu Xukumay

Wednesday - June 16, 2010

Johannesberg − Gacan ku dhiigalayaal dil ugu geystay dalka South Afrika qoys Somali ah oo ka kooban hooyo iyo caruur ay dhashay ayaa lagu xukumay shalay oo Salaasa ahayd xabsiyo madaxaa ha ku furto ah.

Qoyska oo la dilay 2008 ayaa waxay kooxaha dilka geystay ugu dhaceen gurigooda, waxaana ay kala ahaayeen Hooyo Sahra Faarax 46-jir ahayd iyo saddex caruur ah oo ay dhashay oo iyaguna kala ahaa: Maxamed Cismaan oo 19-jir ahaa, Ciise Cismaan oo 12-jir ahaa iyo Ibraahim Cismaan oo 14-jir ahaa.

Gacan ku dhiiglayaasha la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: Mandla Thomas oo 26-jir ah iyo Melikhaya Ncapayi oo 27-jir ah, kuwaasoo maxkamadda horteeda ka qirtay inay si arxandarro ah u dileen hooyada iyo caruurteeda.
“Falku wuxuu ahaa mid argagax leh, gacan ku dhiiglayaashan waxay qirteen dambi weyn, iyagoo xusay inay xoog ku galeen guriga qoyskaas ayna si arxandarro ah u dileen, waa dambi weyn marka la eego sharciga dalka South Afrika” ayuu yidhi qaaliga Maxkamadda xukunkan ridday oo ku taalla Magaalada Grahams-town.

Wiil la dhashay hooyada iyada iyo caruuteeda la dilay ayaa sheegay in xukunka ku dhacay labada qof uu ahaa mid wanaagsan, balse aysan qalbiyadooda ka go’ayn dhaawicii xooganaa ee gaadhay markii la dilay ehelkooda.

“Dib uma soo laabanayaan qoyskeennii, balse aad ayaan ugu faraxsanahay in gacan ku dhiiglayaashan arxanka daran aan dib dambe loogu siidayn bulshada dhexdeeda” ayuu yidhi wiil ay eeddo u ahayd Sacdiyo Faarax oo iyada iyo caruurteedii la dilay.
Waddanka South Afrika ayaa waxaa aad ugu soo badanaya kooxo qowlaysato ah oo dilal kala duwan u geysta Ajnabiga dalkaas ku nool, waxaana ku jira dadka Somalida ah ee ganacsiga ku haysta.