Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Waa Casharki joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - June 17, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Hanuuninta Mid ka mida .. Ku Soo Dhawaada Iyo Ujeeddo Casharka Maanta: Waa Cashar Ku Saabsan Cudurka Kaadi Dhiiga Iyo Sida La isga Daaweeyo

                         ------------------------------------------------------------------------------------------ 
Baraarujinta Jimcahan waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee xaqa lagu caabudo iyo saliga Suubanaha, udgoonow Nebi Maxamed NNK ha ahaato, Allah deeqdii badanaa, nimcada Allah ku maneystay adoomadiisa waxa ugu weyn mida Islaamka waa wax Allah loogu mahadsho si joogta ah, waxa ku dhan wixii qofku u baahan yahay ha noqoto maciishad uu kasbo ama cibaado uu guto. Qof kasta oo inaga mid ah wuu garan karaa hadii la waayo Caafimaad, oo ah nimco kale, adoomada Allah aad ugu baahan yihiin, waxa ka dhalan kara, tusaale waxa inoogu filan dadka bukaanka ah ee aan maalin walba kula kulano goobaha caafimaad ama suuqyada iyo dariiqyada aan marno, waxa waajib ah in Allah loogu mahad cesho markuu cudur naga badbaadsho, inta bukaanka ahana ay waajib ku tahay iney ku sabraan dhibka haya si ajar weyn loogu qoro.

Adoomada Allah ee lagu imtixaanay caafimaad daro waxey u qeybsamaan sadex nooc: 1)- Kuwo ku sabra dhibka haya oo Allah ka barya in ajar iyo xasanaad weyn u qoro, iyaga oo ku qanacsan in Allah abaal marin weyn siinayo adoomadiisa ku sabra wixii dhib ah ee ku yimaada. 2)- Kuwo  ku sabra dhibka haya iyo caafimaad darada, hase yeeshee aan Allah xusuusan kana dalbin in xanuunka ay ku sabrayaan ajar uga qoro. 3)- kuwo aan marna ku sabrin xanuunka haya, oo markaa caafimaad u doonta kuwa Allah ku kufriyay oo sixir ama faal adeegsada oo ka dhaadhiciya bukaanka, waxa ku haya mingis, boorane ama wadaado iyo wax kale oo aan sal laheyn, sidii iney ogyihiin waxa daahsan oo Allah mooyee cid kale aan war u heyn, bukaankaa oo ku baxsha maal fara badan sidii ay u heli lahaayeen caafimaad, kadibna Allah ka fogaada, dadka ceynkaa sameeya suubanaha Maxamed NNK ha ahaato wuxuu noo sheegay in salaadooda aan la aqbalin 40 maalmood wixii Rasuulka uu la yimina ay dhinac mareen.

Allah wuxuu noo sheegay waxkasta ee nool inuu ka abuuray biyo, biyaha waxa weeye nimco weyn oo aan la koobi karin waxtarka ay u leedahay nolosha bani'aadanka iyo nafleyda oo idil, waa nimco balaaran oo mudan in Allah loogu mahad cesho, waxa loo isticmaalaa in la cabo oo haraadka la isaga bi'iyo, waxa kaloo loo isticmaalaa Cibaadada Allah sida salaada, marka lagu weyseysto, waxa la isaga meyraa nijaasada jirka iyo dharka soo gaarta, beeraha ayaa lagu waraabshaa,  biyuhu waxey u qeybsamaan Biyo Macaan oo cabida ku wanaagsan iyo kuwo dhanaan oo milixda iyo macdanta kale ay ku badan yihiin, sida kuwa badaha oo ku habooneyn cabida hase yeeshee anfac kale oo badan leh, waxa ku nool kaluunka oo wax tar weyn u leh dadka, isla markaana daruuraha xareeda keena ay ka abuurmaan. Xusid waxa mudan in biyaha oo leh anfacaa faraha badan isla markaa marar badan dhib iyo cuduro badan laga qaado ama ay ka dhashaan waxyeelo, cuduradaa oo dhib weyn iyo dhimasho u geysan kara adoomada Allah, Cudurada ka iman kara hadaan wax iska xusuusino waxa ka mid ah cudurka Kaadi Dhiiga loo yaqaan ama (Bilharzia), cudurkan oo ku badan qaarada Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya waxyeelada ka dhasha waxa lagu arkaa sida badan agagaarka webiyada iyo meelaha biyuhu fariistaan, tan iyo hada dhowr nooc oo kala duwan baa laga ogaaday sida midka u badan Soomaaliya, bukaanka kaadidooda waxa soo raaca dhiig.
Dalalka horay u maray waxey ka gaareen guul weyn iney ku baraarujiyaan dadkooda waxyeelada ka dhalan kara iyo dhibka la xiiriira marka qofku qaado cudurka Kaadi dhiiga ama nooca kale ee saxaro Dhiiga keena, waxey ku baxsheen wakhti badan iyo dhaqaale fara badan si loo cirib tiro ama aad loo yareeyo cuduradan ka dhasha biyaha.  Cudurka kaadi dhiiga waxa keena, dhiigmiirte ku dhex nool biyaha fadhiya, marka qofku lugaha la galo ama ku meyrto, dhiigmiirtaha waxa uu ka gudbaa maqaarka jirkaa kadibna waxa uu raacaa wareega xididada dhiiga ilaa uu gaaro halbowlaha waraabiya kaadi galeenka ragga iyo dumarka, markey kulmaan nooca dhedig iyo kuwa labka ah waxa ka dhasha ukun fara badan oo gaarta malaayiin fiix cirbad la moodo ku leh gees ka mid ah ukunta, midaa oo u sahasha iney ka gudbaan maqaarka jilicsan ee  daboola gudaha kaadi galeenka, waxa ka dhasha in dhiig fara badan soo raaco kaadida bukaanka qaba cudurkan, sidoo kale waxa soo raaca ukumaha dhiigmiirtaha taa oo sahasha marka la baaro kaadida bukaanka in lagu arko ukumaha oo sidaa loo aqoonsado cudurka kaadi dhiiga loo yaqaan.

Waxa mudan in la xusuusto, qof kasta oo kaadidiisa dhiig soo raaco inuusan qabin (Bilharzia), kaadida oo dhiig soo raaco waxa keeni kara cuduro fara badan oo ku dhaca xubnaha kaadida soo marto, lagasoo bilaabo labada kelyood ilaa ibta kaadida kasoo duusho raga iyo dumarka, hadba waxey ku xiran tahay da'da qofka iyo taariikhda bukaanka oo si weyn u sahasha si loo xadido sababta ka dambeysa kaadi dhiiga, waxa kaloo mudan in carabka lagu dhufto shilalka kala duwan ee gawaarida ama dagaalada ka dhasha iney keeni karaan ama sabab u noqon karaan in kaadida dhiig soo raaco, hadii bukaanka da'diisa ka sareyso 55 jir, waa in had iyo goor maanka lagu hayo kansarada ku dhaca kaadi mareenka. Sida ugu haboon ee looga hortegi karo cudurkan waa in laga fogaado in lagu meyrto ama lugaha lala galo biyaha fadhiya ee dhiig-miirtuhu ku nool yahay, sidoo kale bukaanka cudurka qaba oo la daweeyo waxey wax weyn ka tari in la dhimo waxyeelada cudurka, Suubana Nebi Maxamed 1400 sano ka hor waxa uu noo sheegay inaan biyo fadhiya lagu kaadshin kadibna lagu meyran, midaa oo saldhig u ah kahortaga cudurkan ma'shaa' Allah, Ilaaha weyn ee xaqa lagu caabudo baa u waxyooday inuu na baro adaabta caafimaad ee lagaga hortago cuduro badan oo maanta ka jira aduunka qaarkood halis weyn u yihiin nolosha adamiga.
Cudurka kaadi dhiiga ama midka saxaro dhiiga ee ka dhasha dhiig-miirtaha loo yaqaan SCHISTOSOMA  waxa nasiib wanaag ah in dawo cirib tirta loo helay hase yeeshee dawada ay leedahay waxyeelo dadban oo marar badan sabab u noqota in bukaanka uu joojiyo isaga oo aan ka bogsoon cudurka, midaa oo sabab u noqota in cudurku soo laba kacleeyo, sidaa darteed waxa aad muhiim u ah in bukaanka lagu booriyo fa'idada badan ee ka dhalata marka dawada sidii takhtarku u qoray loo qaato iyo wakhtiga uu go'aanshay.

Waxaan kusoo af jarayaa maqaalka Jimcaha aniga oo ka rajeynaya Allaha xaqa lagu caabudo in dalkeena Nabada iyo xasiloonida uu u baahan yahay kusoo cesho, Allow kuwii meel u wada jeeda oo midooba naga yeel, Allow inteena cudur iyo caafimaad daro aad ku imtixaantay si degdeg ah naxariistaada ugu fidi oo markey ku sabraan cudurka ajar weyn ugu bedel, kuweena baahan quudi, intii gacan ka gardaran ku dhintay u naxariiso oo Jannada abaal marin uga dhig, Ilaahow inta xaqa diidan xaqa ku toosi, Allow inta wanaaga rabta garab gal oo ehel u noqo adigaa awood iyo garasho badan.
 
Hadii aan asiibay waa Allah fadligii oo qura, hadii aan gefay waa sheydaanka iyo nafteyda.
 
Al Amin, Abu Yusuf