Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

France Iyo Nigeria Oo Loo Diyaarinayo Naxashki Lagu Qaadi-Lahaa Iyo Warar Qubane Kale Oo Isporti Ah

Friday - June 18, 2010

Mexico ayaa goolal ay dhalisay qeybtii danbe e ciyaartii ay la lahaayeen kooxda France waxa ay u sahashay inay ka gaaran guushii ugu horeysay abid, iyo iyagoo haatan rajo fiican ka qabo inay soo gaaraan wareega 16aad ee koobka aduunka halka Faransa looga tagay qeybta danbe iyagoo halis ugu jira inay groupka ku haraan.

Guusha Mexico ayaa aheyd mid ay u qalantay waxaana haatan ay leedahay 4 dhibcood halka Uruguay oo ka badisay Bafana Bafana ay iyana 4 dhibcood leedahay waxaana ciyaarta ugu danbeysa Groupkan is arki doona Mexico iyo Uruguay oo u baahan kaliya bar baro si ay labadooduba u soo gudbaan.

South Afrika iyo France ayaa iyagana is arki doona lakiin rajadoodu waa nasiibka ha ku saacido iyo iyo goolal badan oo dhaliso kooxdii badisana waana inay ku duceystaan inaysan ciyaarta Mexico iyo Uruguay ku dhamaanin bar bar dhac.

France waa laga yaaban yahay sababtoo waa markii labaad oo ay ku harayaan wareega hore madaama 1998dii markii ay koobka qaadeen ay hadana 2002dii ku hareen wareega kowaad, 2006dii Final ayaa yimideen, 2008 waxaa lagu reebay wareega hore ee Euro 2008. 2010kana naxashkii lagu qaadi lahaa ayaa loo diyaarinayaa. France Ma qaadi doontaa Mise final ayaa imaan dootaa 2014 marka Brazil lagu qabto koobka aduunka.

Nigeria Oo Quus U dhow.

Xulalka qaarada Afrika ka socda waxaa ilaa iyo haatan haris qarka u saaran oo nasiib kaliya uu soo saari karaa waa South Afrika iyo Nigeria, oo labadooduba laga badiyay ciyaarihii u dnabeeya. Nigeria waxaa 2 -1 kaga badisay kooxda Greece oo haatan 3 dhibcood leh.

Nigeria wax dhibco ma lahan lakiin rajadoodu waa inay goolal badan uga badiyaan South Korea islamarkaana ay ku duceystaan inay Argentina ka badiso kooxda Greece, sababtoo ah Greece iyo Korea min 3 dhibcood ayay wadaagaan, halka Argentina ay iyadu qarka u saaran tahay inay soo gudubto.

Kooxaha Afrika ee iyagana la sugayo inay haraan waxaa ka mid ah Algeria oo caawa la ciyaareysa kooxda Ingariiska, inkasta oo Algeria ciyaratoydoodu ay lahaayeen waxaan ka faa'ideysan doonaan jilcanaanta daafaca Ingariiska hatana booskooda waxaa u qalantay xulka Masar oo ay iyagu soo reebeen.

Ilaa iyo haatan dhanka Afrika waa 3 dhibcood leh Ghana oo badisay kulankoodii ugu horeeyay, Ivory Coast Rajo fiican ayay leedahay walow ay barbaro la gashay kooxda Portugal waxaana u dhiman North Korea iyo Brazil.

Mexico oo Looga Dabaal Degay Ireland.

Guul daradii xalay Faransiiska ku dhacday waxa ay farxad gelisay Ireland ka dib markii Ireland ay faransiisku ku reeben si xaq darro oo kubadii gacanta uu ku soo qaatay Henry ay ku hareen.

Damaashaad ayaa loo sameeyay guul daradii France iyagoo taageerayaasha Waqooyiga Ireland ay u mahad celinayeen xulka Mexico madaama kooxdii iyaga koobka aduunka u diiday laga badiayy halisna ugu jiraan inay ku haraan wareega hore.

Saciid Maxamed Cali (Saciid Yare)
Tafatiraha Isboortiga
[email protected]