Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dadaalo Dib Loogu Soo Nooleynaayo Ruwaayadihii Hore Ee Somaaliya

Sunday - June 20, 2010

Dadaalo dib loogu soo nooleenayo Ruwaayadihii hore ee Soomaaliya oo qaar badan oo kamid ah bulshada iminka nool aysan fursad u helin in ay maqal iyo muuqaal u daawadaan ama ay u dhageestaana ayaa iminka laga abaabulayaa magaalada Nairobi ee wadan Kenya.

Hadal iyo hees oo ah barnaamij ay sameeyeen qaarkamida Wariyaasha soomaaliyeed oo isku taagay soo nooleenta fanka qeybahiisa kaladuwan ayaa shaaca kaqaaday in dhawaan Magaalada Nairobi ay ku soo bandhigayaan Ruwaayadii halku dhigeedu ahaa NINBA DAHAB LUMAY SI U DOON DOON.

 Ruwaayada ayaa ah mid xambaarsan sheeko iyo heesa katurjumaya marxalada iminka taagan iyadoo Ruwaayada qeyb ay katahay qiso cajiib ah oo marka aad daawado aad ladhici doonto

Fanaanka caanka ah ee Maxamuud Goox Qarboosh oo ruwaayadaa Horjooge ka ah ayaa sheegay in Ruwaayadan Abwaanii Sameeyay uu geeriyooday balse inta uusan dhiman fasax uu uga helay in Ruwaayadaa uu suuragaliyo hadii fursad uu u helo.

Agaasimaha Barnaamijka Hadal iyo Hees Maxamed C/laahi Aadan Siidii ayaa sheegay in Ruwaayadaa qaab masraxeed caalami ah loogu qabanayo magaalada Nairobi waxaa kadhex muuqanaya Jilayaal,iyo fanaaniin caan ah oo ku nool magaalada Nairobi e wadanka keenya.

Bahada Hadal iyo hees oo suura galineesa qabsoomida ruwaayadan si bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideestaan ayaa sheegtay in Bishaan Gudaheeda Ruwaayadaa ay soo bandhigayaan.

Gudoomiyaha Hadal iyo Hees C/Sataar Daahir Sabriye ayaa sheegay in Ruwaayado badan ay kutala jiraan in dib ay u soo  bandhigaan isagoo sheegay in casuumad ay u fidinayaan hobalada Soomaaliyeed ee ruwaayadihii ay sameeyeen aan la duubin si bulshada markale ay uga faa’iideestaan

Barnaamijka Hadal iyo Hees ayaa horay magaalada Nairobi uga suura galiyay in ilaa 6 Bandhig faneed ay ugu qabtaan bulshada soomaaliyeed ee kunool wadankan.iyagoo sidoo kale casuumad u sameeyay fanaaniin soomaaliyeed oo qurbaha ku noolaa Sida Fanaanka Axmed Biif iyo Maxamed Xasan Xuseen Lafoole .iyagoo iminka kutala jira in faanaaniin kale oo caana ah ay wadankan  ku casuumaan.