Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

North Korea Wey ka Qoomameysay Imaanshaha World Cup-ka kadib 7 Gool Oo Laga Dhaliyey

Monday - June 21, 2010

Wadan aan xuriyad badan ka jirin, oo aan laga ogoleyn isticmaalka Internetka iyo daawashada TVyada caalamka, wadan uu ka taliyo Kaligii talis Kim John Ill ayaa markii ugu horeysay caawa si toos ah loogu ogolaaday in dadka North Korea ay daawadaan ciyaarta Portugal iyo North Korea lakiin taas badelkeeda waxa ay ka qaadeen madax xanuun.

Kulankii Brazil oo ay ciyaareen ciyaar fiican islamarkaana looga adkaaday 2 - 1 ayaa laga qariyay dadka North Korea inay daawadaan ciyaarta oo toos ah waxaa loo ogolaaday inay daawadaan iyadoo la duubay, lakiinse caawa ayay u aheyd ciyaar toos oo koobka Aduunka oo ay daawadaan.

Portugal ayaa sida daadkii oo kale ugu fatahday North Korea waxaana ay ka dhalisay 7 gool waana goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyo koobka aduunka tan iyo intii uu bilowday 11 bishan June ee aynu ku jirno.

Cristiano Ronaldo oo ay ugu danbeysay inuu xulkiisa gool u dhaliyo Febraury 2009 ayaa caawa fursad u helay inuu shabaqa soo taabto wuxuu saxiixay goolkii Lixaad ee ay kooxdiisa ka dhalisay xulka North Korea.

Guusha Portugal ay gaartay waxa ay dhumisay rajadii Ivory Coast oo hadii Brazil ay ka badiso Protugal, Ivory Coast waxa ay u baahnaan doontaa inay dhaliso goolal ka badan kuwa ay dhaliyeen xulka Portugal taas u eg wax aan dhici karin lakiin nasiibkana uu halkiisa yahay.

Xulka North Korea ayaa ka naxsaday dad badan ciyaartoodii ugu horeysay oo la arkayay sida ay ula ciyaareen Brazil lakiin caawa waxaa qabsatay mucjiso oo taariikh ayay ku sameystee Portugal xulkan aan waayadan u soo bixin koobka aduunka.

Kulanka ugu danbeeya ee North Korea waxa ay la yeelan doontaa Ivory Coast, waxaana haatan hubaal ah inay North Korea daadka qaaday oo ay hartay lakiinse waxaa la isweyndiin doonaa ma laga daawan doonaa ciyaartaasi North Korea iyadoo toos ah ama iyadoo duuban.

Ronaldo oo ka Baxay Abaartii ka Heysay Inuu Portugal Gool U Dhaliyo.

Simao ayaa ka mid ah Ragii Goolasha ka Dhaliyay North Korea.

Portugal Oo U dabaaldegeysa Guushii ugu Horeysay ee Koobka Aduunka.

Saciid Maxamed Cali (Saciid Yare)
Tafatiraha Isboortiga
[email protected]