Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ciidamada Pakistan Oo Xiray Nin Jarmal Ah Oo Soo Xirtay Niqaabka Dumarka Hoostana Ku Sita Qori

Tuesday - June 22, 2010

Ciidamada Amaanka Dalka Pakistan ayaa xabsiga Dhigay Nin Jarmal ah oo soo xirtay Niqaamka dumarku xirtaan qorina hoosta ku soo qarsaday isagoo ka sii baxaya deegaanka Miranshah ee Gobolka Waqooyiga Pakistan ku yaal ee la yiraahdo North Waziristan halkaas oo mucaaradku ku xoogan yihiin.

Boolisku waxay sheegayn in ninkan Jarmalka ah oo 30 Jir ahi uu la saarnaa gaari labo nin oo kale iyo gabar yar oo 6 jir ah markii lagu qabtay meel Kaantarool ah oo gawaadhida lagu baaro 140 Km-na u jirta magaalada Peshawar.

Labada nin ee kale ayaa iyaguna xirnaa Niqaamka Burqaha loo yaqaan ee midabkiisu yahay Buluuga kaas oo ka caan ah dalka Afghanistan sida uu sheegay Talyaha Booliska ee Saldhiga nimankan lagu xiray oo la yidhaahdo Farid Khan, wuxuna intaa ku daray in Sirdoonka lagu wareejiyey nimankan si baaritaan loogu sameeyo.

Ninka Jarmalka ah ayaa sidoo kale sitay Khariirad ama Map degaanka ah iyo aalad kaladuwan oo sahamada lagu fuliyo