Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xarakada Al-Shabaab Oo Is Ku Khilaafsan Ciribtirka Xisbul Islaam

Wednesday - June 23, 2010

Xigasho Dhacdo.Com : Madaxda sar sare ee Xarakada Al shabaab ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaafaad xoogan oo ku aadan Ururka Xisbul Islaam oo uu hogaamiyo Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Khilaafka soo kala dhex galay masuuliyiintaan ayaa yimid kadib markii qaar ka tirsan saraakiisha ciidamadda Al shabaab ay go’aamiyeen in qaab xeeladeysan ama awood ay ku dheehan tahay in meesha looga saaro ururka Xisbiga, halka qaar ka tirsan masuuliyiinta Al shabaab ay taasi ka biyo diideyn.

Xarakada Al shabaab ayaa qorsheyneysay inay gebi ahaanba kala wareegto goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadda Xisbul Islaam, halka qaar ka tirsan saraakiishaasi ay sheegeyn in laga wanaagsan yahay, inuu daato dhiiga Islaamiyiinta dhexdooda.

Garab ka tirsan Xarakada Al shabaab laguna magacaabo Milatu Ibraahiim ayaa sheegtay in loo-baahan yahay inay mujaahidiintu mid noqdaan, iyadoo ku baaqday in meesha laga saaro ururka la-magac baxay Xisbul Islaam, hase ahaatee qaar ka tirsan saraakiisha garabka kale ee Xarakada Al shabaab ayaa ku baaqay in la-joojiyo awooda la-doonaayo in lagu maquuniyo Xisbiga, iyadoo ay dhici karto bay yiraahdeyn inuu Xisbiga dagaalamo, deetana uu halkaasi ku daato dhiigga Islaamiyiinta.

Sidoo kale guddi ka tirsan Xarakada Al shabaab ayaa labadii cisho ee aanu soo dhaafnay ku hawlanaa in la-qaboojiyo xiisadaha u dhaxeeya labadaasi urur diimeed.

Dhanka kale Shabakadda Dhacdo.com ayaa xiriir la-sameysay mid kamid ah Mujahidinta Xarakada Al shabaab, waxaana wax ka weydiinay dhiilaha colaadeed ee u dhaxeeya labadaasi garab, wuxuuna inoo sheegay inuu iminka khilaaf xoogan soo kala dhex galay Mujaahidiinta dhexdiisa, isagoo sheegay inuu khilaafkaasi ka dambeeyay kadib markii ay mujaahidiintu bilaabeyn ciribtir ka dhan ah Ururka Xisbul Islaam.

Sidoo kale wuxuu inoo sheegay inay guddi u istaageyn daminta khilaafaadka u dhaxeeya saraakiisha Xarakada Al shabaab, isagoo intaasi ku daray in la-filaayo in qaboojiyo maal-maha inagu soo aadan.

Si kastaba ha’ahaatee kooxda Milato Ibraahiim waxaa weeye garab ka tirsan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxaana lagu xantaa inay yihiin kuwii ka dambeeyay qaraxihii 3-dii December ee sanadkii 2009-kii laga fuliyay Hotel Shaamoo, halkaasoo ay ku dhinteen, Wasiiro, Arday, Suxufiyiin iyo Aqoonyahano.