Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - June 24, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Hanuuninta Mid ka mida .

Ujeedada Casharka Maanta Waa:

Bulshooy Ha La' Ba'o Balaayana Ha Dhacdo Ciidna Yey Harin Danteena Ma Aha ... Bulshooy Far kaliya Fool Ma Dhaqdo

                         ------------------------------------------------------------------------------------------

Allah ayaa mahad oo dhan mudan, waxaan ugu mahadinayaa nimcadiisa iyo naxariista balaaran uu igu maneystay, qofkii Eebo hanuunsho ma baadiyoobo, kuu baadiyeeyo cid kaloo toosinkarta ma jirto. Dadku, markey midoobaan, ra’yigooda isu geeyaan, wax wada qabsadaan, bay horumar gaaraan, cadowgooda iska caabiyaan, waxana ka dhalata bulsho caafimaad qabta oo hogaan toosan leh. Aragtidan, umadaha kala duwan ee aduunka ku nool way isku raaceen, soomaalidii hore way ka maahmaaheen sida loogu baahan yahay isku-xirnaanta bulshada, waxey oran jireen:  “ Far Keli Ah Fool Ma Dhaqdo” Bulsho wad jirta haddi ay midowdo, oo ay go’aansato iney falgasho hubaal waxa ah iney kordheyso wax qabashada iyo waxsoosaarka ay leedahay, taana waxa saldhig u ah dadka oo qofba meel ku fiican yahay markey kartidooda  kala duwan isu geeyaan, hubaal waxa ah in howshooda si wanaagsan u miro bixineyso. Marka dhibaato balaaran soo gaarto bulsho meel ku wada nool, dhibkana wada saameeyo dadka iyo dalka oo dhan sida mida ku habsatay Soomaaliya waxa korodha baahida bulshadu u qabto iney is kaashato. Nasiib daro waxa ah in weli dadka intiisa badan aysan garan in dhib oo dhan nooga yimi qabyaalada quruntay, sababna u aheyd burburka dalkii hooyo ku dhacay, isla markaana la daba taagan yahay oo laga hebeysto kuwo ku fashilay naftooda iney wax u qabtaan bal iskadaa dadkale iney wax taraan ama badbaadshaan. Beryahan dambe waxa soo korodhay oo faan la mooday in koox kasta oo qabiil wadaagta iney yiraahaan waxa aan sameysanay maamul iyo madaxweyne, waa wax lala yaabo, dadku miyeysan caqli laheyn oo xishooneyn, qabiilkii labaatanka sano na kala geeyay oo na qixiyayay isla markaana boqolaal dartii nooga dhimatay in maanta weji kale loo yeelo markaana dadka laga gado.

Tiro yar oo Allah u naxariistay baa la oran karaa waa ka duwan yihiin soomaalida intooda badan, midaana waxey dhalisay iskahor-imaad badan iyo loolan loo looltamo cidii sutida u qaban laheyd maamulka iyo danaha baadiyoobay ee bulshada soomaaliyeed. Arintan waxa si gaar ah uga fa’iideystay xoogaga kasoo horjeeda in Soomaaliya ay ka dhalato nabad, xasilooni iyo in la helo deris wanaagii horay uga jiray dalkeena hooyo. Soomaalida, waxa caado u noqotay, markii kooxi meel isugu timaado, iney goobaan cidii lagu eedeyn lahaa dhibkii nagu dhacay cidii ka dambeysay ama sabab u aheyd. Waxa la iska indhatiraa runta sidey tahay, waxa laga caajisaa in laga doodo sidii wax loo hagaajin laha ama looga hortegi lahaa shirqoolada dalka gudihiisa ka dhaca, ama la isaga caabin lahaa xoogaga kasoo horjeeda in dalka Soomaaliya ka dhalato dowlad u adeegta umada oo dhan, ku dhaqda bulshada cadaalad iyo sinaan, iyada oo aan cidna la dulmin ama la quursan.

Sida qura ee midaa lagu gaari karo waxey tahay in lagu maamulo bulshada xukunka Allah u dooray in adoomadiisa lagu dhaqo, hadii laga fogaado Allah, waxa dhab ah inaan la gaareyn cadaalada aan u baahanahay si loo helo xasiloonida saldhiga u ah bulsho caafimaad qabta, inkastoo beryahan ay soo baxeen kooxo ku adeegta magaca diinta islaamka oo dadkii uga darnaaday kuwii qabiilka ku dulmiyay, Allah wuxuu markhaati ka yahay waxey sheegayaan iyo dulmiga ay geysanayaan iney ka fogtahay shaqana aysan ku laheyn, waxa nala faray ee kitaabka Allah ku qoran iyo sunnada Suubanaha nebi Maxamed NNK ha ahaato. Waxa la hubaa, marka qofku ka fogaado Allah oo uu gooyo xiriirka uu la

leeyahay inuu gabayo inuu hagaajiyo ama toosiyo xiriirka ka dhexeeya isaga iyo dadka kale ee uu la nool yahay, si kasta uu u doono ama isugu dayo inuu toosiyo. Su’aal u baahan in la is weydiiyo waxa weeye, maxaa lagu qiyaasi karaa kuwa aan dooneyno inaan ku aamino maamulka danaheena guud, ama rabno iney na hogaamiyaan?

 Sidee loo heli karaa qaranimo, kalsooni, nabad, madaxbanaani, midnimada diinta, siyaasada, iyo dhaqaalaha?

 Sidee loo soo celin karaa, sharaftii iyo magacii Soomaaliya ay laheyd, gaar ahaan mida qofka soomaaliga ah ee maanta meeshii uu tago ama joogo loo arko dambiile, isaga oo aan wax geysan, dhiigiisana uu ka raqiisan yahay koob biyo ah?

Howl la’aan miyaa la heli karaa, ama la gaari karaa waxaan rajeyneyno in Allah samada nooga soo rido, kadibna aan hantino qaran isku hagaagsan?

Jawaabtu way fududahay hadaan la iska indha tireyn, qofkaan dooneyno inuu na hogaansho waa in aan ku qiyaasno sidii Allah noogu sheegay Qur’aaka Kariimka ah, midaa oo ah cabsida Allah, sida ayadan noo tilmaameyso: “Lebiska Cabsida Allah baa Kheyr Badan.” Aayad kale Allah wuxuu ku yiri:  “Allah ma gaareyso hilibkooda ama dhiigooda, ee waxa gaareysa cabsidiina” Sidaa darted waxa loo baahan yahay inaan ku qiimeyno cidaan dooneyno inuu na hogaamiyo ama loo dhiibo hogaanka dalkeena, iyo maamulka arimaheena inuu noqdo midey ku dhantahay ama lagu yaqaan cabsida Allah, qaranka iyo bulshada aan horay dembi uga gelin. Sida Allah noogu tilmaamay Qur’aanka ayad kale:

“Waxa idiinku karaama badan Allah agtiisa, midka idiinku Allah cabsi badan”  Waxa cad, sida keli ah ee lagu gaari karo karaamo iyo sharaf oo dhan iney tahay Allah oo loo hogaansamo iyo sharcigiisa oo la dhowro.  Aayadaha Qur’aanka, waxey dhaqaajiyaan buuraha, waxey qanciyaan qofkii caqli leh oo Eebe garasho siiyay, maxaa yeelay midkaan aqoonsan jiritaanka iyo awooda Allah iyo xisaabta maalinta aakhiro ee sugeysa oo loo bahaan yahay in dugaal laga sameysto, kama duwana xoolaha, bal xoolaha ayaa anfac badan.  Burburka ku dhacay Soomaaliya, wuxuu keenay ama u googol xaaray, in la waayo daryeelkii caafimaad ee umada ay ka heli jirtay dowladii dalka ka jirtay, iyo cawimaadii kale ee ay u fidin jireen ururada samafalka ah ee dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, dhanka dhaqaale iyo midka farsamada.

Waxaa soo kordhay, dhibaatadii u gogol xaartay, in maamulka caafimaadka dalka ay ka mas’uul noqdaan, kaadir aan aqoon u laheyn caafimaadka iyo howlaha la xiriira, aqoon yahanadii ama takhaatiirtii dalku uu lahaa marka ay haajireen, midaa oo ay sabab u aheyd:  Noloshii oo adkaatay, kadib markii wixii asaasiga u ahaa nolol casri ah ay meesha ka baxday,wax dayac tir la’aan la kharaabay, iyo wax Burcadii dalka ka kacday ay biliqeysteen.  2. Dilkii Takhaatiirta oo badatay, iyada oo wax sabab ah oo loo saari karo aysan jirin.  3. Nabad gelyadii guud oo xumaatay, dhacii iyo boobkii oo batay, sidoo kale qalabkii dadweynaha lagu maamulayay caafimaadkooda oo gacanta u galay dad aan aqoon u laheyn. Intaa oo keli ah kuma koobna dhibaatada soo korodhay oo wada jir fududeysay ama u googol xaartay in dadweynaha guud ahaan daryeelka caafimaad wax weyn iska bedelo oo ay bataan cuduradii dalka ka jiray, kuwa Jirka ama kuwa Caqliga ku dhaca, gaar ahaan waxa batay cudurada faafa iyo kuwa laaya caruurta inta aysan gaarin sanadka ugu horeeya ee noloshooda.  Iyada oo la waayay tilaalada ay u baahan yihiin caruurta oo looga hortago cudurada faafa sida: Qaaxada, Xiiq-dheer, Jadeeco, Dabeyl, Tetano, Jadeeco uyaal, Qanjo-barar, Cagaarshe, Hemophilus Influenza B, iyo kuwo kaloo badan. Ugu dambeynta hadii aan la garan dhibka bulshada heysta oo aan loo laaban Allah, waxa hubaal ah inaan wax badan wareer ku jireyno, ama aan gacan u geli doono shisheeya aan Allah aqoon noona naxariisaneyn.

Abu Yusuf