Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maxaad Ka Taqaan 10-ka Ciyaaraha Ee Koobka Aduunka Ugu Goolasha Badan

Friday - June 25, 2010

Koobka aduunka waxaa haatan ka harsan wax ka yar 2 isbuuc oo qura  in uu ka bilowdo wadan S.africa koobka aduunka waana markii ugu horeesay ee ciida africa lagu qabto tan iyo 1930 oo eheed xiligii la bilaabay dhigista koobka aduunka kolkaas oo lagu qabtay wadanka Urugway inkasoo ay isla iyada ku guuleesatay hadaba aqristayaal maanta waxaan idiin soo gudbin doona magacyada 10 ciyaaryahan ee ugu gool dhalinta badan koobka aduunka tan iyo 1930.
 
1) Ronaldo (Brazil) – 15 goals (1994, 1998, 2002, 2006)
xidigaan waxa uu u ciyaari jiray kooxaha Barcelona,Inter,Real Madrid, Ac milan, PSV waana xidiga xiligaan ugu gool dhalinta badan
haatan waxa uu ka ciyaara horyaalka brasil sidoo kale waxa uu 3 jeer ku guuleestay Xidiga Aduunka wuxuuna ahaa dhaliyihii goolashii xulka brasiil ay ku hanteenduuna 2002 germany lagu qabtay.
2) Gerd Muller (West Germany) – 14 goals (1970, 1974)
waa ninka uu Ronaldo iskoor ka jabshay sanadkii 2006 wuxuu ka mid ahaa dhaliyayaashii ugu wanaagsanaa xulka germany 2 jeer oo kaliya ayuuna saftay koobka aduunka.
3) Just Fontaine (France) – 13 goals (1958)
xidigaan sidaad u jeedaa waxa uu saftay 1 koobka aduun kaliya tiradaas goolal ahna wuu dhaliyay balse nasiib daro xulkiisa kulama guuleesan koob aduun.
4) Pele (Brazil) – 12 goals (1958, 1962, 1966, 1970)
Waa jowhareedii xulka brasiil waayo ayuu sports maamuli jiray waxa uu ahaa xidig ilaa iyo hada la maamuso sanadkii 2000 waxaa loo aqoonsaday xidiga qarnigaan.
5) Sandor Kocsis (Hungary) – 11 goals (1954)
Xidigaan waxa uu isna mid xusuustiisa leh waayo 11 gool ayuu 1 koob aduunka ka dhaliyay wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoydii xulkiisa u horseeday in ay kaalinta 2aad ka galaan koobkii aduuna 1958 in kastoo laga guuleestay.
6) Jurgen Klinsmann (Germany) – 11 goals (1990, 1994, 1998
haleeygani waxa uu ahaa xidig cajiin ah waxaana uu xulkiisa kala qeyb qaatay guushii koobka aduuna 1990 oo ay argentina ka fara marooqsadeen waxa uu u ciyaari jiray kooxda Totenham ee wadaka England sidoo kale waxa uu ahaa Macalinkii xulkiisa germany keenay kaalinta 2aad ee  koobkii aduunka ee wadankiisa lagu qabtay 2006 oo ay barasiil qaaday.
7) Helmut Rahn (West Germany) – 10 goals (1954, 1958)
xidigaan isna waxaa uu ka mid ahaa wareeryahanadii wadanka germany soo maray wuxuuna u ciyaari jiray kooxda Fc Köln ee ka tirsan kooxaha ka ciyaara bundesliga.
8) Gabriel Batistuta (Argentina) – 10 goals (1994, 1998, 2002)
waxaan filayaa in qof kasa uu kasi karo weeraryahankani waa Bati Gool ciyaaryahankii loogu magac daray waa xidig caan ahaa oo soomaray kooxaha Fiorantina,As Roma, Inter wuxuuna sanadihii 90 maadkii dabayaaqadiisa ahaa xidig ay ka qal qalaan daafacyada isagoo sidoo kale kooxdiisa Roma kula guuleestay horyaalka wadanka talyaanig in kastoo waqtigiisa ugu badnaa uu Fiorantina ku qaatay.
9) Gary Lineker (England) – 10 goals (1986, 1990)
xidigaan waxa uu dhashay 1960 kii waxa uuna u soo ciyaaray kooxda barcelona iyo Tottenham wuxuun ku guuleestay kabaha dahabka ee koobkii aduuna 1988 Maxico lagu qabtay in kastoo Argentina ay ku guuleesatay.
10) Teofilo Cubillas (Peru) – 10 goals (1970, 1978, 1982)
waa ciyaaryahanka ugu danbeeyo ee aan ku soo gaba gabeyneyno qormadeena waxa uu dhashay sanadkii March 8, 1949
wuxuuna u soo ciyaaray kooxda Fc Porto ee wadanka burtaqiiska.
Cabdiqani Cali Dalmar
Bern-Switzerland
riyaale10@hotmail.