Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Gudiga Doorashooyinka Oo U Diray Hambalyo Shacabka S/land , Digniin Siiyey Axsaabta Iyo Warbaahinta

Sunday - June 27, 2010

Hargeysa: Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa hambalyo iyo boogaadin u diray shacabka reer Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay uga qaybqaateen doorahsada Madaxtooyada, isla markaana waxay digniig u direen axsaabta iyo warbaahinta in aanay shaacin natiijo aan komishanka soo ka bixin.

Guddiga Doorashooyinka oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda iyagoo ay weheliyaan masuuliyiin ka kala tirsan saddexda xisbi qaran, waxay shacabka, axsaabta iyo saxaafadda ka codsadeen inay xaq-dhawraan habsami u socodka doorashada oo aanay sheegin natiijo komishanku aanu shaacin.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Md. Xiise Yuusuf (Xamari) oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi; “Waxaannu boogaadin iyo hambalyo u diraynaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland ee sida fiican shalay (Sabtidii) u gutay waajibkoodii iyo hawlwadii ka qaybgalay doorashada ha noqdaan kuwii Komishanka, goob-joogayaashii axsaabta iyo dhammaan dadkii kale ee ka qaybgalay doorashada iyo fulinteedii ammaan wayn ayaanu u haynaa iyo hambalyo, waxaannuna leenahay Somaliland waad u wanqansheen.”

Guddoomiyuhu oo hadaliisa sii wataa waxa uu intaa ku daray, “Waxa inoo bilaabmaya qaybtii labaad oo ah in aannu tirino, hubino, yeedhino jawaabtii ka soo baxday doorashadii shalay aynu galnay, si ay u suurogasho waxaannu doonaynaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland, taageerayaasha axsaabta, saddexda xisbi qaran iyo saxaafadda inay ka digtoonaadaan inay sheegtaan natiijo qaydhin oo ay cidi sheegato annaga ayaa guulaysanay, taas oo keeni karta goordhaw inay buuq inagu abuurto.

Wixii wanaagsanaa ee aad soo qabateen yeynaan takhaantukhinin, wixii wiiqayana aynu ka ilaalino, Isha Allaah annaguna luminmayno wixii wanaagsanaa ee aad soo qabateen, siday tahay ayaanu uga soo baxaynaa, siday tahayna jawaabteeda waad u helaysaan.”

Ali Jamac - Hargeysa