Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dhismaha Golaha Wasiirada Ee Dawlada KMG Oo Khilaf Xoogani Ka Taaganyahay

Monday - June 28, 2010

Mogadisho : Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu waday in Golaha Wasiirada lagu sameeyo isku shaandheyn ballaaran, ayaa waxaa hada soo baxaya is qab qabsi ku aadan qaabka loo xulay Wasiirada qaar.

Wararka laga helayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in is qab qabsiga ugu weyn uu ka jiro dhinaca Ahlu Sunah Waljamaacah, kuwaasoo diiday qaar ka mid ah ragga loo xulay ee lagu soo biiriyay.

Dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista is badalka Golaha Wasiirada ayaa ka dambeysay markii ay soo shaac baxeen in Wasiiro Ahlu Sunah kaga soo biiraya dhinaca Dowladda ay noqdeen kuwo ay ku qanci waayeen Saraakiisha Ahlu Sunah.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Fulinta Ahlu Sunah oo la yiraahdo Rooble ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in Shanta Wasiir ay ku leeyihiin Golaha Wasiirada hal wasiir laga reebo, waxaana uu tibaaxay in heshiiskii Addis Ababa ee Dowladda KMG iyo Ahlu Sunah uu qeyb ka ahaa in Ahlu Sunah 5-wasiir ku lahaato Dowladda.

Ahlu Sunah oo goor hore gudbisay liiska magacyada uga mid noqonaya Golaha Wasiirada ayaa warar la helayo ay sheegayaan in qaarkood lagu badalay shaqsiyaad kale.

Inkastoo ay haatan suuqa soo galeen magacyada Wasiiro dhowr ah oo lagu soo daray Golaha Wasiirada, ayaa hadana waxaa la ogeyn in dib looga noqon doono, si loo xaliyo is qab qabsiga ka taagan is badalka Golaha Wasiirada.

Murankan iyo si qab qabsigan ayaa noqon kara caqabad cusub oo ku soo korortay Dowladda KMG ee labada km ku eg, iyadoo horay ay madaxdeeda u hareeyeen khilaafaadyo aan dhamaad laheyn.
Axmed Kulan -Muqdisho