Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Gabar Somaaliyeed Oo La Yirahdo Ayaan Cismaan Oo Foolxumida Loo Dilay Takhaatirtu Ka Cajabtay

Wednesday - June 30, 2010

Canada- Toronto- Etobico-Dixon: Goor ay ahayd abaaraha 2-30 habeenimo biisha 29 june ayaa gawarac loogu jiiday inan Somaaliyeed oo lagu magacaabo Ayaan Cismaan Ducaalle, da'deeduna ahayd 28-Jir, Gabadha waxaa dilay dhagar qabe lagu magacaabo Joey malaha waxshnimada u dilay ayaa u muuqata inu ahaa nin ciil badan qabay amase daroogeysnaa, Ninka wax dilay da'diisa waxaa lagu sheegay 26 sano, waxaana la sheegay cararkii uu caray inu shil baabuur ku galay oo ay xaaladiisa iminka khatar ku jirto, waxaana boliska ku raadiyeen Eyga carbisan ee wax uriya oo dabadeed raadka u raacay ku helay.

Gabadha waxay dhashay 6 caruura oo ay u kala dhashay cadaan Kanadiyaan ah, ninkase dilay labo ayey u haysey, waxaana la ogaaday intusan falka geysan inu isla maalinta labada caruura hooyadiis uu sii geystay, lamana sheegin sababta uu ku dilay, hasa ahaate horay ayey marxuumada gabdho ugu sheekeysay inu ninkaa uu dili-doono oo cabsi weyn iyo wal-wal ka qabtay.

Gabadha la dilay oo da'deedu sidaa u sii weyneyn oo muuqata iney caruurta da' yaraan ku dhashay waxaa dhashay Muraayad Aadan Seed oo ku dhalatay galdogob iminkana ku maqantahay socdaal magaalada Sanca, waase ay uu soo socota si ay uga qayb gasho aaska gabadheeda.

Odaga gabadha dhalay Cismaan Gaani Ducaalle oo ku dhashay Cabudwaaq , haddana ku sugan magaalada Ohio US ma soo gaari-karo Aaska gabadhiisa xanuun culus oo haya awgeed .. hooyada gabadha dhashay isma qabaan oo waqtiyo hore ayey kala tageen, waxayse isu dhaleen Shan caruura oo gabadha la dilay ku jirto.

Bahda websit-kaana waxay tacsi u dirayaan hooyo Muraayo aadan Seed iyo aabe Cismaan Gaani, waxaanu leenahay dunidaan maaweelada ee ciireysa dhibaato wey timaada samir iyo iimaan gabadhiina allaha idin ka siiyo, dhiiga iyo dambiga u falay waxshkaasna aakhiro cidu u dhaafmeyso .