Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - July 1, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Hanuuninta Mid ka mida .

Ujeedada Casharka: Nin Ku Digay Kuma Dilin

Waxaan ku bilaabayaa magaca Eebe xaqa lagu caabudo oo kitaabkiisa ku balan qaaday “ Midkii ka jeesta oo dhabarka u rida wixii la faray inuu dunida dhow nolol ciriiri ah badayo, maalinta qiyaamana isagoo indha la’a lasoo saarayo”, iyo saliga Suubanaha loo soo diray inuu u bishaareeyo kuwa ku dhaqma wixii wanaag ah ee la faray, u digo kuwa dhegaha ka xirta oo ka leexda dariiqa toosan ee uu tusay, Allah hanoo fududeeyo, inaga iyo umada islaamka ah, Cibaadadiisa oo darted naloo abuuray.

Garaad wuxuu ahaa nin 45tan jir ah, sigaarka aad u caba ugu yaraan 20 xabo ama ka badan maalin walba, nin jimicsiga ku dheereeya ma uusan aheyn, miisanka jirkiisa wuxuu ahaa mid xad dhaaf ah oo aad uga sareeya midka ku haboon jirkiisa, qaxwada iyo shaaha nin aad u badsada buu ahaa, qaadkana si joogta ah u cuna, maalin maalmaha ka mid ah wuxuu booqday takhtarkiisa, kadib markuu dareemay madax-xanuun iyo wareer badan intaa waxa u dheeraa inuu isku arkay kaadi badan oo ka toosisa hurdada habeenkii dhowr goor, Takhtarkii kadib markuu dhgeystay cabashadii Garaad wuxuu dalbay baaritaan sheybaar, sawirka feeraha iyo qalbiga, wuxuu kula taliyay inuu walwalka iyo fekerka badan iska dhowro maadaama uu ahaa nin lagu yaqaan arintaa. Maalintii labaad markuu kusoo laabtay takhtarka si loola socodsiiyo wixii kasoo baxay baritaankii lagu sameeyay, waxaa lala socodsiiyay in xaaladiisa aysan wanaagsaney, hadii si degdeg ah wax looga qaban uu halis u yahay dhibaato daba dheeraata iyo caafimaadkiisa oo halis gala, Garaad oo rabay inuu ogaado waxa lagu arkay baa weydiiyay takhtarkiisa inuu u falanqeeyo baaritaanka lagu sameeyay, wuxuuna yiri takhtarkii:

Sokorta dhiigaaga waa 521mg%, cadaadinta dhiigaaga BP waa 230/115, dufanka dhiigaa wuu sareeyaa, misaanka jirkaa waa 121kg, sawirka feeraha waxa ka muuqda in wadnahaaga uu balaartay, sidoo kale sawirka qalbiga caadi ma ahaa oo waxa lagu arkay hakad soo dhex gala garaacida caadiga ah, dhiiga beerka waxa lagu arkay in horay hurgun ugu dhacay nooca firuuska loo yaqaan B, sidoo kale shaqada kelyahaaga ma fiicna, guud ahaan caafimaadkaaga sidii la rabay ma aha, Sigaar iyo balwada kale sida Qaadka, Qaxwada iyo Shaaha, waxey kordhinayaan oo halis gelinayaa caafimaadkaaga hadii aadan joojin. Garaad naftiisa buu u yaabay, waxa ka muuqatay welwel iyo walaac, wuxuu xasuustay iney ku xiriiraan Xaas iyo caruur gareysa Shan, sidoo kale Aabihii oo waayeel ah, wuxuu is weydiiyay hadii wax igu dhacaan yaa u miciinaya dadkaan mas’uulka ka ahay?, wuxuu ku yiri takhtarkiisa ila tali oo ii sheeg waxaan sameeyo, Dr. Yusuf oo ahaa nin aad u jecal bukaankiisa wuxuu dareemay in Garaad uu diyaar u yahay taladiisa, wuxuu ku bilaabay waanadiisa ugu horeynta waa inaad bedeshaa qaabka noloshaada oo aad sameysaa:

1)- Sigaarka iyo Qaadka Jooji, 2)- Carada iska ilaali, 3)- Bilow jimicsi fudud maalin walba ugu yaraan 30 daqiiqo, 4)- Dawada aan kuu qoro si joogta ah u qaado iyo sidii aan kuu sheego, 5)- Waxa macaan oo tooska ah iyo kuwa daahsan iska ilaali, sidoo kale milixda cunada lagu daro.

Garaad oo u bogay talada iyo waanada Dr. Yusuf wuxuu yiri: hadaan sidaa sameeyo caafimaadkeyga siduu noqon, Dr.Yusuf, intuu dhoola caseeyay buu yiri: hadii Allah raali ka noqdo wax badan baa iska bedeli, hasee yeshee waxaan kuugu dari, ku dadaal Salaada iyo Quraanka inaad akhriso, Aabahaa bari u noqo, Xaaskaaga iyo Caruurtaada u roonow, Sadaqada wixii aad karto baxso, Qaraabada xiriiri, maalmaha Isniinta iyo Khamiista soon hadii aad awoodo, ugu dambeynta ilasoo xiriir laba usbuuc kadib hadii Rabbi raali ka noqdo, hadii aad sidaa sameyso noloshaada waxey isu bedeli mid farxad ku dhantahay, Garaad wuxuu balan qaaday wixii la faray inuu la iman doono intii karaankiisa ah waxna uusan hakraneyn si caafimaadkiisa usoo wanaagsanaado.

Tusaalahan ku saabsan Garaad waxey u badan tahay Rag iyo Dumar badan oo soomaali ah iney la wadaagaan , sidaa darted waxa talo iga ah in lala yimaado baaritaan guud ee caafimaad ugu yaraan mar sanadkii si looga hortago dhib daahsan waxna looga qabto intaan talo faraha ka bixin. Dhamaan Cudurada laga helay Garaad, Sokorow, Dhiig Kac, Dufanka dhiiga oo sare u kaca, Hurgunka Beerka, Xanuunka Wadnaha iyo Kelyaha, Misaanka jirka oo Xadkii la rabay dhaafa, iyo caadada xun ee isticmaalka Sigaarka, Qaadka, Qaxwada iyo Shaaha oo xad dhaaf loo cabo, ama Khamriga waxey dhamaantood dhib weyn u geystaan caafimaadka qofka Rag iyo Dumarka wuxuu doono ha noqdee, ugu dambeyntana waxa ay sabab u noqon karaan howl gab ama geeri.

Hadaan asiibay waa Allah mahadii oo keli ah, hadaan gefay waa sheydaanka iyo nafteyda.

Al Amin, Abu Yusuf