Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Biladihii Iyo Abaalmarinadii Ciyaaraha Aduunka Loo Diyaariyey Ee FIFA Oo La Bililiqeystay

Friday - July 2, 2010

Ciidamada booliiska wadanka  South Africa ayaa  waxa ay xaqiijiyeen in abaalmarinadii FIFA ay ugu tala gashay ciyaaraha aduunka gaar ahaan kooxaha u soo baxa Finalka sida kaalinta 1-aad, 2-aad iyo 3-aad.  laga xadey xarunta FIFA ee dalkan south Africa, iyadoo Booliisku wadaan baaritaan ku aadan sidii loo soo qaban lahaa tuugadan dhaqan xumada ku dhaqaaqdey ee xaday abaalmarinadaasi.

Taliyaha ciidamada Booliiska South Africa ayaa sheegaya mar uu u waramaayey waarbaahinta dalka south africa in abaalmarinada la xadey ay ku jiraan kuwii la siin lahaa ciyaartoyada, garsoorayaasha iyo kooxaha, waxaana la sheegay in ay ku jiraan  xitaa abaalmarintii loogu tala galay ciyaaryahankii ugu gool qurxanaado, kii dhaliyey goolkii ugu horeeyey iyo waliba gooldhalinta ciyaaryahanka qaata.

Booliiska wadanka south africa  ayaa haatan  ku jiraan hawlgalkii ugu balaarnaa ee lagu doonayo in lagu soo qabto qalabkaasi muhiimka ah, iyadoo arintan ay tahay mid sumcad xumo weyn u  keenaysa wadanka Koonfur Afrika oo lagu amaanay wadankii ugu horeeyey abid ee Afrikaan ah oo lagu qabto ciyaaraha aduunka.

Booliisku waxay sheegeen in xabsiga la dhigay 316 qof oo looga shakiyey dhacan foosha xun ee loo gaystey xarunta FIFA ee dalkaasi south africa, waxaana dadkaasi 207 qof oo ka mid ah waxay ku hadlayaan luuqadaha kala duwan ee wadanka South Africa looga hadlo.

Si kastaba ha ahaatee wax ay aheyd todobaadkii hore markii koox burcad ah oo hubaysan ay dhaceen saldhig Booliis oo ku yaaloi wadanka south africa,iyagoo gabi ahaanba qaatey dhammaan wixii yiilay saldhigaasi Booliiska, iyagoo xitaa qaatey qalabkii  musqulaha,taasi oo si weyn fajac iyo amakaag ugu ridey dadweynaha wadankan south Africa.