Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Aqbalay Liiska Uu Soo Gudbiyey Cumar Cabdi-Rashiid

Saturday - July 3, 2010

War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Sh. Shariif uu aqbalay liiska golaha Wasiirada maanta ka soo baxey xafiiska Ra'isal wasaaraha Somalia.

Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif wuxuu aqbalay Golaha wasiirada cusub ee DF, wuxuuna soo dhaweeyay Wasiirka arimaha dibada ee cusub Yuusuf Ibraahim Xasan [Yuusuf Dheeg]" iyo sido kale wasiirka amniga Axmed Cabdi-salam

Xil.Yuusuf Dheeg ayaa horay xilkaan u soo qabtay, wuxuuna noqday taliyaha Ciidamada Cirka ee Somalia xiligii dowladii siyaad barre ee Somalia, sidoo kalena wuxuu danjire uga noqday Somalia dalka China.

Wasiirka arimaha dibada cusub ee Somalia wuxuu aadi doonaan dalka Ethiopia oo uu kaga qaybgalayo shirka dalalka IGAD, iyadoo ajandaha looga hadlayo shirkaas ay arinta somalia ugu weyn tahay.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia Sh. Aadan Madoobe ayaa ka mid ah golaha cusub ee wasaaradaha, isagoo sidoo kale loo magacaabay Ra'iisul wasaare ku xigeen, jagadaas oo uu baneeyay Shariif Xasan Sh. Aadan Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka DF.


Dhanka kale, Afhayeenka Ahlusuna Waljmaaca ayaa beeniyay in Axmed C/salaan iyo xubno kale  loo magacaabay jagooyin oo diiday magacwgaas oo yiri ma matalaan Ahlusuna

Isku shaandheentan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli ay jiraan hadalo kulkulul oo ka imaanayay mas'uuliyiinta Ahlu Sunna, oo ku aadan isku shaandheyntan la qorsheynayay maalmihii u dambeeyay.