Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

M/weyne Silaanyo Oo Ku Buuqsan Sidi U Gaarsiin lahaa Beelaha Doonaya Saamiga Jago"Anaga Waa Nakan"

Tuesday - July 6, 2010

Wararka laga soo xigtay dad loo qaateen ah oo u dhaga daloola Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in magaaladu ay la ciir-ciireyso Dad xilal doona ah oo ka kala yimid Gobolada una  badan kooxo afmaal ah " lobbist-yal" Hunguraynaya inay ka helaan Xilal Dawlada Cusub ee uu soo dhisayo Madaxwaynaha dhawaan la doortay Mudane Siilanyo.

Dadkan iska niyeystay oo jeebkooda isku caleemasaaray, waxay buux dhaafiyeen Hoteelada iyo Goobaha lagu kulmo ee Magaaladaas hargeysa waxay isugu jiraan baa la yiri Xubno ka tirsan Xisbiga oo ah Dadkii ololahii Xisibiga ku soo hawlanaa mudadii lagu jiray Ololaha Doorashada , kuwaas oo filaya ineysan si kasta oo dhacda ka qadi-karin Xilalka cusub madaama ay tacab badan soo galiyeen Xisbiga kulmiye oo ay nafta kaga baxday

Waxa kale oo Xubnahaasi barbar socda Salaadiin iyo Odayaal garas-maroojiyaal ah oo mid waliba Dadaal ugu jiro inuu cid ku daro Xukuumada Cusub si ay Beeshiisu saami uga yeelato Xukuumada Cusub, waxaana Dhaqdhaqaaqa arrintan laga dareemayaa Xarumaha Xisbiga Kulmiye iyo Hoteelka Mansoor oo hatan uu si ku meel gaar ah u degen yahay Madaxwaynaha la doortay.

Waxa arrintan barbar socda Shirar Doceedyo ay Beeluhu kaga arrinsanayaan sidii ay saami ugu yeelan lahayeen Xukuumada Cusub, iyada oo ay jiraan Cadaadisyo la saarayo Madaxwaynaha la doortay si uu Beel walba u siiyo Saami ay qoondaysatay, taas oo culays iyo Dhakafaarba ku ah Madaxwaynaha oo ku Mashaquulsan wali sidii uu xilka ula wareegi lahaa.

Arrintani waxay ku soo beegmaysaa iyada oo la sheegay in Gudidii uu u saaray Madaxweynahu ka soo talinta Xukuumada Cusub ay Shalay hor keentay in Golaha Wasiirada laga dhigo 17 Wasaaradood inkasta oo aan tafaasiil laga hayn sida ay isku raac raacayaan Wasaaraduhu, hadana waxay tani culays sii saaraysaa Madaxwaynaha sidii uu Dadkan badan ee wada xil doonka ah iyo Beelaha wada saami doonka ah u gaarsiin lahaa Jagooyinka Wasaaradaha tirada yar mana cada sida uu uga dabaalan doono Madaxwaynaha cusubi arrimahan aan is qabanayn ee horyaala.