Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - July 8, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Hanuuninta Mid ka mida .

Ujeedada Casharka Baraarujinta :  Is Xusuusinta Fadliga Biisha Ramadaan Ee Barakeysan  ..  illah Baa Ciidanshe, isaga Cisi Laga Barayaa .. isaga Calaf laga Helaaye, Candhuufta kol ay Ku Tahay ... Rabow Cudur Naga Kaxee .. Casiisoow Nabad Na Siih, Adaa Caadiloow Karee

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha nebi Maxamed NNK ha ahaato, baraarujinta Jimcahan waxaan kaga hadlayaa Bisha Ramadan ee barakeysan oo fooda nagu soo haysa, qofkii  caafimaad iyo nabad ku gaara oo Allah dartii u sooma, wixii la faray inuu ka fogaado ka dheeraada  abaalkiisa waa Jannada, waxaan Rabbi ka baryayaa inuu naga  yeelo kuwii dartii u sooma.
Mahad oo idil Allaha xaqa lagu caabudo bay u sugnaatay, Rabigii kusoo dejiyay adoonkiisa NNK ha ahaato kitaabka barakeysan, una yeelin qalooc, Isagaa loogu mahadshaa nimco iyo naxariis oo idil kuna maneystay adoomadiisa u hogaansamay wixii uu amray, shirki iyo nifaaq ka fogaaday, cibaadada ku koobay Allaha keli ah ee xaqa u leh in la caabudo. Mar hadii beryo ka hartay bishii Shacbaan, waxa waajib noqotay inaan is xusuusino fadliga ay ku fadhiso bishan barakeysan. Dadka intooda badan sida ay la socdaan waa bishii Qur'anka  soo degay si loogu hanuunsamo oo loo kala saaro xaqa iyo baadilka, malag Jibriil wuxuu bari jiray rasuulka suuban Qur'aanka bisha Ramadan, umada islaamka ahna waxey badiyaan akhrinta Kitaabka Allah bishan barakeysan, sida loo badan yahay dadku waxey ku dadaalaan iney khatimaan mar ama laba ama ka badan qofba sida uu u dadaalo, waxaan markaa oran karnaa bisha Ramadan ee barakeysan waa bishii Qur'aanka boorka laga jafi jiray maadaama sanadka intiisa badan in yar oo Allah u naxariistay mooyee dadka intooda badan ay ka haajiraan oo ay ku mashquulaan howsha dunida ee u gaarka ah sanadka intiisa kale.

Sidii Allah tilmaamay Qur'aanka wuxuu hanuun u noqdaa dadka Allah aaminay ee lagu magcaabay Mutaqiin (kuwa Allah ka cabsada), si ay uga gudbaan mugdiga shirkiga, jahliga iyo dembiga oo ay ku jireen, una gudbaan iftiinka Allah keligii la caabudo iyo Tawxiidka, laga gudbo jahliga oo loo gudbo aqoonta iyo Allah oo qura in cibaadadiisa loo jeesto, si ay ugu toosto umuurtooda dunida iyo mida Aakhiro, markey sidaa yeelaana Allah agtiisa looga qoro ajar weyn iyo dembi dhaaf.

Qur'aanka sidii Allah noogu sheegay kitaabkiisa waxa weeye wax lagu waano qaato, iyo dawo ay ku bogsooto waxa feeraha ku sugan, qofka Allah aaminay uu ka bogsoodo shakiga, kufriga iyo cudurada halista ah ee haleela Qalbiga iyo jirka, hanuun iyo naxariis loogu naxariistay kuwa Allah aaminay.  Dawadaa waxa keli ah ee ka fa'ideysta dadka Mu'miniinta ah ee qalbigooda saafi ka yahay Shirkiga, kuwa Allah ku kufriyay waxaan aheyn khasaaro uma kordhiyo.

Waxa tusaale noogu filan siduu kusoo hanuunay * Al Imam Al Fudhail Bin Cayaadh*  Allah ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin dadka u istaaga Jidka oo dhaca , waxa sabab looga dhigay inuu soo hanuuno markuu maqlay ayad ka mid ah quraanka oo dhegta ku dhigay isaga oo ku dhowraya gidaar Jaariyad uu jeclaa, qof akhrinaya Aayadan *** Alam Ya'ni Liladiina Aaamanuu An Takhshaca Quluubahum Li Dikri Allah, Wa Maa Nazala Minal Haq****  markuu maqlay qowlkaa buu yiri Balaa Yaa Rabi  " Haa Ilahow" waa la gaaray wakhtigeedii, halkii buu ka laabtay, markii la gaaray habeenimadii wuxuu maqlay isaga oo jooga meeshii dadka uu u fariisan jiray dad safar ah oo isku haya waagu hanoo baryo iyaga oo ka baqaya Al Fudhail, kuwo kalena ay leeyihiin aan dhaqaajino hada, markuu maqlay hadalkooda wuxuu yiri: "aniga habeen oo idil waxaan ku jiraa Allah oo aan Caasiyo, horteydana waxa ah dad aniga iga baqaya inaan dhoco, Allow waan kuu towbad keenay ee iga aqbal", sidaa baa ninkaa caalimka markii dambe noqday kusoo towbad keenay, wixii ka dambeeyay wakhtigaa Allah qalbigiisa ugu soo hanuunshay Ayad ka mid ah Qur'aanka, inagana tiro aan la koobi Karin ayaan maalin walba maqalnaa ama akhrinaa, inta qalbigoodo ku khushuuco way yaryihii, Allow naga yeel kuwa markey maqlaan qowlkaaga qalbigoodu ku dabco oo ku waantooba. Waxaan kaloo Alla ka baryayaa inuusan naga dhigan kuwa ku sifoobay ayadan *** Wa Qaala Al Rasuulu Yaa Rabbi Ina Qowmii Itakhaduu Hadal Qur'aani Mahjuuraa*** (Wuxuu yiri rasuulka NNK ha ahaato Rabigeeyow qowmkeegii waxey ka yeesheen Qur'aanka mid laga haajiro).

Bisha Ramadan ee barakeysan waxa ka mid ah faidada ku jirta sida Suubanaha noo tilmaamay in caafimaad jirka iyo Dhimirka laga helayo isaga oo yiri: *** Suumuu Tasaxuu***, sooma si aad caafimaad u heshaan, sida la ogyahayna oo ay sheegeen culimada caafimaadka u kuur gala Soonka iney ku dhantahay caafimaad oo idil, sidaa darteed waxa waajib ah in lagu dadaalo soonka bisha Ramadan, marka laga reebo dadka bukaanka ah ee aan u dulqaadan karin, iyo qofka safarka ah ee Allah u baneeyay inuu afuro safarka inta uu yahay.

Sidoo kale waxa sunada ka mid ah qofkii raacsha lix maalmood bisha Shawaal inuu la mid yahay qof sanadka oo idil soomay oo ajarka sanad loo qorayo hadii Allah ka aqbalo soonkiisa, maalinta qiyaamo looga yeerayo inuu ka galo Albaab gaar ah oo Allah ugu tala galay dadka sooma oo qura lana yiraah Al Rayan, Allah waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo soonka bisha Ramadan, inagana yeelo kuwii loogu yeero Jannada iney ka galaan albaabkaa khaaska u ah dadka sooma, harkiisana nagu maneyto inaan harsano maalin aan harkale jirin kiisa mooyee. Allow u naxariiso waalidkeen iyo waalidkood, dembigoodana ka cafi, inta noolna oo weli dul jooga dunida Allow ku maneyso caafimaad iyo naxariistaada.

Hadaan asiibay waa Allah fadligii oo qura, hadaan gefay waa sheydaanka iyo nafteyda oo qura

Al Amin Abu Yusuf