Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Sababaha Shacabka Konfur Afrika Ay U Taageeraan Ciyaartoyga Holland

Friday - July 9, 2010

Dalka Holland waxaa kasoo jeeda Madaxwaynayaashii soo maray K. Africa wakhtiyadii Midab kala soocasida Big Botha oo loogu yeedhi jiray Yaxaaskiia waynaa ee Afrikaans( "Afrikaans for "The Big Crocodile") iyo Walaalkii oo isaguna soo qabtay jagooyin badan iyo Madaxweynihii ugu dambeeyay ee Midab kala sooca Frederik Willem de klerk oo ahaa ninkii gabo-gabeeyay midab takoorka oo ahaa Madaxweynihii ka horeeyay Halgamagii waynaa ee Nelson Mandela.

Hadaba Holland waxa ay ka midtahay wadamada saamaynta wayn ku leh Koonkur Africa kuna leh shirkado waaweyn oo heer caalmaiya isla mrakana maalgalina ku leh K.Africa,sidoo kallena ka qayb qaatay Sharcigii Midbab takoorka (apartheid) ,oo uu sameeyay Mr: Hendrik Fredresch Verwoerder.ayaa isaguna qoyskiisu ka soo jeedaan Holland ,gaar ahaan magaalada la yidhaahdo Breukelen ee u dhoow Magaalada Utrecht sida ay sheegaan .laakiin isagu wuxuu ku dhashay Amsterdam
Engineerkii Sharciga midab-takoorka dejiyay wuxuu u kala saaray labo qaybood oo uu ka koobnaa oo mid walba uu kala baxaayay tixraacyo iyo tiigsiyo ku aroora qawaaniin u gaara, labadaa qodob waxa ay kala ahayeen sidan:-

1 .Madab kala Sooca Yar:
2. Midab-Takoorka Wayn:

Holland Saamaynta wayn ay ku leedahay taariikhda K.Africa waxaa ka mida:-
Magacyada Magalooyinka iyo jidadka qaarkood iwm sida : Johannesburg = Shacabka Yoohaanes Bloemfontein =Ubaxa Fontain , Runstenburg = (Shacabka degan ama Meesha Shacabku ku nafisaan )Vryburg = Shacabka Xorta ah , University Wit Waterstrand= jaamacada Xeebta Biyaha cad ,iyo meelo badan oo aan soo koobi karayn, wax ay ku hadlaan dadka qaarkood luqada loo yaqaano Afrikaans oo ah afka- Hollandiiska oo gaboobay ,sidaa darteed hadii aad wax-yar ka taqaano luqadaha Flaamiska ( Belguim ) iyo Hollandiiska iyo Af-jarmalka waxbadan ayaad ka fahmaysaa luqada Africaans , laakiin hadii aad tahay ajanabi ood kula hadasho Afrricaans dadka reer Koonfur Africa kuma jeclaysanayaan oo waxaa hor imanaya raadadkii ay ka tageen

K. Africa waxay ka dharagsanatahay taariikhda Badmaaxyadii reer Holland ,Sidaa darteed Shacabka labadan wadan loo kala warami maayo , oo iyaguna waa ay dheragsanyihiin taariikhda K.Africa waxayna u haystaan in ay ku ciyaarayaan dalkoodii ee ay marnaba marti ku ahayn maanta ,dhinaca kalle markaad ka eegtana (fiiriso ) waa dadka ugu badan cadaanka degan K.Africa ee ku leh awood siyaasadeed iyo hantida ma guuraanka ah iwm,

Muddo hada laga joogo 350 sannadood ayay calankooda Buluuga , Cadanka iyo casaanka ka kooban ka luleen Kaapstad ( Cape town) magaaladan oo ay u yaqaaniin Kaapstad , Sannadkan 2010 waxa ay ku xardheen Orange waa sida uu hadalka u dhigay wariyihii ciyaaraha ee Nederaland TV2 markay dhamaatay ciyaartii dhermaraysay Neth 3 -2 Eruguay.

Xukuumada iyo shacabka reer Holland waxa ay ku kalsoonyihiin inay taageero buuxda ka helayaan Shacabkaas ,mar hadii meesha ay ka baxeen Kooxihii Afrikaanka Ahaa, K. Africa waxay kaloo aay taageeri lahaayeen wadamada England, Australia , New Zealand.iyo Holland iyo India hadii ay soo bixi lahayd oo saameyn ku leh K.Africa gaar ahaan magaalada Durban oo ay deganyihiin 600,000 oo qof oo Hindi ah.

Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi )