Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Xayawaan Badeed Oo Sii Saadaalisay Cida Ku Guuleeysaneysa Koobka Aduunka Ee Dhacaya Axadaan By ....

Saturday - July 10, 2010

Xayawaan badeedka ay Soomaalidu u taqaano Faramagoogo oo ah makhluuq ilaa dhowr gacmood leh oo aan inta badan ka wayneyn gacan mugeed isla markaana uu Filasoofkii Giriiga ahaa ee Arstotle uu ugu wanqalay magaca Octopus markii uu sameeynayay abla ablaynta xayawaanka ayaa sanadkan dunida caan uga noqday arin ka duwan tii lagaga bartay oo ah inuu khad sii daayo markii lasoo weeraro.
 
Faramagoogadan oo lagu naaneyso Paul ayaa ka maajisay dadka Germanka ah kadib markii ay si sax ah u wada saadaalisay dhamaan kulamadii lixda ahaa ee uu Germanku ciyaaray koobka aduunka sanadkan kuwaasoo ay kujireen guuldaradii shaama reerka reebtay ee ay Serbia 1-0-ka kaga adkaatay iyo tii ugu dambaysey ee Spain ay nus-dhamaadka ku reebtay, Paul ayaa wuxuu iminka wax ka leeyahay kulanka la wada dhowrayo ee Axadda magaalada Johannesburg ku dhex mari doona xulalka Netherlands iyo Spain oo iskugu soo haray dhamaadka koobka aduunka, taasoo ugu yaraan u eg mid niyadda usii dhisaysa Spanish-ka ( waloow wixii dhici doona aan cidina ogayn marka laga reebo Allah).
 
Faramagoogadan oo ka tirsan gacalada loo yaqaano Cephalopoda (Madax cago) isla markaana 2 sano jir ah kuna nool meel lagu xanaaneeyo xayawaan badeedka oo ku taalla magaalada Oberhausen oo ka tirsan galbeedka Germany, ayaa waxay saadisay in Spain ay janjalka ku dhegi doonto koobka aduunka iyadoo mid ka mid ah gacmo muruqeedkeeda dul saartay calanka Spain oo dhinac yaalley kan Netherlnads, habkaas oo ahaa qaabkii ay u saadaalisay 6-dii kulan ee Germany. Wuxuu sidoo kale bahalkan yari saadaaliyay in Germanku ku guuleysan doono ciyaarta kala baxa kaalinta 3-aad (third place play off) marka ay Axadda wajahaan Xulka Uruguay.
 
Ra'iisul wasaaraha Spain Jose Luis Rodriguez Zapatero aya qaab maad ama kaftan ah u sheegay shalaytoole inuu ka werwersanyahay amaanka Faramagoogadan isagoo dabcan tixraacayay kulankii ay Spanish-ku ka adkaadeen Germanka oo uu bahalkani sii sheegay sida la yiri ``Waxaan ka fikirayaa inaan ilaalo u diro faramagoogo Paul`` ayaa laga koobiyay Ra'iisul wasaaraha.
 
Wasiirada Bay'ada iyo kaluumaysiga dalka Spain, Elena Espinosa ayaa iyadna ku dartay ``Isniinta waxaan ka qayb geli doonaa kulanka golaha wasiirada Yurub, waxaana kulankaa ku codsan doonaa in la mamnuuco kaluumeysiga Octopus Paul si aanay Germanku u cunin``.
 
Fara magoogadan oo aad caan uga ah Germanka ayaa saadaasha kaalita 1-aad ee ay Spanish-ka siisay ka baaraan degeeysay 3 daqiiqadood oo qura halka ay tan Germany ku qaadatay 15 daqiiqadood markii ay saadaalinaysey cida geli doonta kaalinta 3-aad, balse waloow uu warkani ka nixin karo taageerayaasha Oranges ama Holland misna waxaa maanka lagu hayaa in bahalkani uu mar sii horeeyseyba khalad sameeyey taasoo ku beegneyd dhamaadkii koobkii Euro 2008 ee ay iskugu soo hareen Germanka iyo Spain oo uu Germanka u saadaaliyay waloow ay Spain koobkii isla gedisey kadib guul gaaban oo 1-0 ahayd.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage - Gothenburg, Sweden