Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Amiirka Al- Shabaab Iyo Xasan Daahir Aweys Oo Kulan Qarsoodi Ah Yeeshay

Sunday - July 11, 2010

Hogaamiyayaasha labada koox ee Islaamiga ah ee dalka Somalia, ayaa isugu yimid wada hadal looga gol lee yahay inay mideeyaan labada ciidan ee kasoo horjeeda Dowladda KMG ah ee Somalia, saraakiil ayaa sidaasi sheegay.

Cabdi Maxamuud Godane oo sidoo kale loo yaqaan Abu-Zubeyr islamarkaana ah hogaamiyaha Al-Shabab ayaa wada hadal la yeeshay Jimcihii Xasan Dahir Aweys oo hogaamiya kooxda sii awood yaraaneysa ee Xizbul islam.

Labada koox ee maamula inta badan koonfuta Somalia ayaa bilihii ugu dambeeyay sii kala tagayay waxaana dhowr jeer dhex maray dagaalo shaacsan iyo kuwa hoose.

“labada Hogaamiye waxa ay kulmeen shalay waxaana ay ka wada hadleen midnimo baahsan, si ay u bilaabaan weerar culus oo ka dhan ah ciidanka Midowga Africa iyo Dowladda ay ku hayaan Somalia” sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabab oo magaciisa qariyay ayaa sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Sarkaalka ayaa xaqiijiyay in Abu Zubeyr iyo Xasan Dahir Aweys ay heshiis kama dambeys ah gaari doonan maalmaha soo socda ayna isku keyni doonaan ciidamada, si buu yiri ay weerar ugu qaadaan cadowga allah.

Sarkaal ka tirsan Ururka Xizbul Islam ayaa sidoo kale xaqiijiyay kullanka labada hogaamiye.

“Labada hogaamiye ee Al-Shabab iyo Xizbul Islam ayaa kulmay. Natiijada kullankoodana waxa ay noqon doontaa weerar ka dhan ah ciidamada qabsaday dalka” waxaa sidaasi yiri Sheikh Maxmed Ibrahim.

Si kastaba ma cadda goorta ay weerarka qaadi doonaan.

Tallaabooyinkan ay qaadayaan kooxaha islaamiyiinta ayaa u muuqda kuwo jawaab u ah ballan qaadkii ay IGAD ku sameysay inay laba kun oo askari ay si deg deg ah ugu diri doonaan magaalada Muqdisho.

Saraakiil kale oo ka tirsan labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday in dagaal yahanada ajnabiga ah ee jooga Somalia ay ka qeyb galeen kullanka, laakiin waxa ay diideen in bixiyaan wax faah faahin ah.

“Kuuma sheegi karo inta dagaal yahan ee ka tirsan Al-Qacidada ajnabiga ah e ka qeyb galay kullanka, waayo kullanka waxa uu ah mid albaabada u xiran yihiin” waxa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Al-Shabab oo magaciisa qariyay.

Waxa uu intaasi ku daray in xubnaha ajnabiga ah ay ahaayeen kuwa wada hadalka dhex dhexaadinayay.