Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Al-Shabab Oo Mawjada Dhiiga Ku Camiray Caasimada Kambala Iyo Madaxweyne Museveni Oo Suunka Giigsaday

Sunday - July 11, 2010

UGANDA- Ugu Yaraan 23 Qof ayaa ku dhintay laba qarax oo caawa ka dhacay caasimada dalka Yugandha ee Kampala, Sida Boolisku sheegay lama garanayo sababta qaraxaas keentay, qaraxaas oo lala beegsaday mid ka mida maqaaxi lagu daawanayey ciyaaraha koobka aduunka,
 
General Kal Kayihura oo ka tirsan Booliska ayaa u sheegay wakaalada wararka ee faransiiska AFP in kooxaha muslimiinta Soomaalidu ay horay ugu hanjabeen inay soo weerari doonaan caasimada Uganda ee Kampala kadib markii ciidamada Uganda la geeyey dalka Somaliya, General Kal ayaa intaa ku daray inuu rumaysan yahay in kooxaha Al-qaacidada iyo shabaabka soomaliya inay ka danbeeyeen qaraxaas,
 
General Kal ayaa intaa ku daray in inta ay og yihiin 13 qof ay ku dhinteen hoteelka Ethoipian Village Restaurant dad badan oo kalana ay ku dhaawacmeen halka 10 kalana ay ku dhinteen qarax kale oo ka dhacay Rugby Club oo ah naadi lagu ciyaaro ciyaarta Rugby, 

Dhinaca klae warar gaara ayaa tilmaamaya in ciidamadi Ugandha Gabi ahaantoodaba heegan la galiyey oo sida muuqata la kala soocayo dadka, oo magaalada guri guri loo baari-doono gaar ahaan iyado si toosa loo abaaridoono meelaha ay daganyihiin isirka soomaalida, waxaa kalo warku sheegaya in madaxweyne Museveni uu hurdo seexan waayey oo lafahaantiisa hawsha hawlgalinta ciidamada si toosa faraha kula jiro, waxaana la sheegaya in madaxweynaha uu saas uu yeelaayo si aan bulshada somaaliyeed askarta ugu talaxtagin .. waxaa kalo la sheegay in xaduudyada la xiray oo ay ka socoto baaritaano badan oo dadka soomaalida si gaar loo eegaayo gaar ahaan dhallinyarada. 
 
Qaraxyadan ayaa imanaya iyadoo dowladaha Uganda iyo Brundi ay ka joogaan caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho ilaa 5000 oo ciidamo ah, oo inta badan maalin walba si joogto ah dagaalo u dhex maraan kooxaha Al -shabaab, waxayse dhibaatadu xoogeedu ku dhacdaa shacabka maatada ku ah mogdisho.