Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Somaaliland Oo Baxsaday

Monday - July 12, 2010

Hargeysa: Xigasho Jamhuuriya - Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland Maxamed Nuur, ayaa la sheegay inuu dalka ka baxsaday, iyada oo lagu jiro xili kala guur ah oo aanay xilka la kala wareegin madaxweynaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Ma jiro war rasmi ah oo daboolka ka qaaday sababta xiligan keentay inuu dalka ka baxo taliyaha sirdoonka Somaliland iyo meesha uu u baxsadayba, hasayeeshee sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka gaabsaday in la magacaabo, waxa taliyaha sirdoonku dalka ka baxay maalintii Sabtida, isaga oo xuduuda uga tallaabay dhinaca Itoobiya, iyada oo aan ilaa hadda la garanayn inuu halkaa ku sugnaan doono iyo inuu dal saddexaad uga sii gudbi doono.

Waxa kale oo wararku sheegeen in ilaa hadda la laÂ’yahay laba baabuur oo ka mid ah gaadiidka siroodnka Somaliland, kuwaasi oo aan la ogayn in talihuhu kaxaystay iyo inay cid kale oo sirdoonka ka tirsani sifo sharci-darro ah u kaxaystay.

Madaxweyaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaan ilaa hada la hubin inuu ogyahay baxsashada tailyaha sirdoonka iyo tallaabada arrintaa uga qorshaysan, balse sida ilaha xogogaalka ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen, madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya inuu baxsaday taliyaha sirdoonku, waxa uu soo saaray waaran lagu soo qabanayo taliyaha sirdoonka iyo hantida kale ee maqanba.

Taliyaha ciidanka sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur, ayaa mudadii uu xilka hayey, waxa dhawr jeer lagu eedeeyey inuu ku mashquulsanaa xan-dhagaysiga asxaabta mucaaridka ah ee tartanka kulajiray madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa laga guulaystay ee UDUB, iyada oo maalmihii ololuhu socdayna la sheegay in taliyuhu shaqada ka fadhiisiyey saddex sarkaal oo ka tirsan sirdoonka, kadib markii ay diideen inay basaasaan guriga Axmed Siilaanyo.